4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
Kooxo hubeysan oo askari ka tirsan ciidamada Dowladda ku Toogtay Huriwaa

Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta askari ka tirsan milateriga Soomaaliya ku toogtay xaafadda SOS ee degmada Huriwaa, iyadoo dilkan uu qayb ka noqonayo dilal si xiriir ah uga dhacayay Muqdisho dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay.

Wararka laga helayo deegaankaas ayaa sheegaya in askarigan la toogtay uu ku sugnaa agagaarka isgoyska SOS, waxaana dilka geystay saddex dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasoo markii ay dilka fuliyeen baxsaday.

"Goor-dhow ayaa kooxo hubeysan waxay askari ka tirsan ciidamada milateriga ku toogteen isgoyska SOS, waxaana toogtay saddex dhallinyaro ah oo watay bastoolado, dilkana wuxuu ahaa mid ku dhacay si gaadmo ah," ayuu yiri ruux goobjooge ah.

Halka uu dilka askariga ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyagoo sameeyay howlgallo aysan cidna kusoo qaban, waxaana maydka askariga goobta ka qaaday ciidamadii goobta gaaray.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilka askarigan, iyadoo sidoo kalena aysan weli ka hadlin taliska ciidamada milateriga Soomaaliya dilka askarigan loo geystay.

Dilkan iyo dilal laba xildhibaan oo baarlamaanka Somalia ka tirsan loogu geystay Muqdisho ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo isbedel lagu sameyay maamulka degmooyinka gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya