4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
Al-shabaab oo gaari ay lahayd Qaramada Midoobay kasoo Afduubay Kenya

Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) — Gaari ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa la sheegay in Al-shabaab ay kasoo afguubtay deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku yaallaan xeryo qoxooti oo ay ku jiraan in ka badan nus malyuun qof oo Soomaali ah.

Saraakiil u hadlay xukuumadda dalka Kenya ayaa sheegay in gaarigan ay lahayd Qaramada Midoobayay afduubeen xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab, saaka oo Arbaco ah aroortii.

Guddoomiyaha deegaanka Faafi, Geoffrey Taragon ayaa u sheegay warkaaladda wararka Shiinaha ee Shinwaa in saddex xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab ay gaariga oo noociisu ahaa Nissan Patrol kaddib markii ay rasaas ku fureen darawalkii gaariga, kaasoo uu dhaawac gaaray.

“Waxaan xaqiijin karnaa in gaariga loola tallaabay dhinaca Soomaaliya, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in lagu soo qabto,” ayuu yiri Geoffrey Taragon.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Kenya ay howlgallo Soomaalida looga saarayo gudaha dalka Kenya, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ammaan-darrada ka taagan Kenya qayb ka yihiin.

Ma jiro hadal weli kasoo baxay Al-shabaab oo ku saabsan in gaari ay Qaramada Midoobay leedahay kasoo afduubatay gudaha dalka Kenya, iyadoo arrintan ay ku soo beegmayso xilli ergayga Qaramada Midoobay danjire Nicholas Kay uu xusay in hay’adaha Qaramada Midoobay ka baxayaan Soomaaliya haddii amni-darrada ay kasii socoto Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya