4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
Atletico Madrid iyo Chelsea oo is-mari Waayay iyo Kooxo Adag oo is-haya


Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) — Ciyaartan oo dhaxmaraysay kooxaha Atletico Madrid iyo Chalsea oo ka kala dhisan wadamada  isbayn iyo Ingiriirka ayaa ku soo dhamaatay goolal la'aan ka dib ciyaar indha-qabad lahayd oo labadooda ku dhexmartay garoonka Vicente Calderon.

Chalsea waa laga fursado badnaa maadaama ay marti ahayd ,waxaana jiray dhowr fursadood oo uu beeniyay gool-hayaha kooxda Morinho oo aan waqti badan ku sii jirin garoonka ,ka dib dhaawac ka soo gaaray garabka.

17 daqiiqo Cech ayaa dhaawac uga baxay garoonka waxaana badal kiisa soo galay gool haye Schwarzer, 21 daqiiqo Cahill ayaa u soo dhawaaday inuu gool u dhaiyo Chelsea lakiin kubadiisa birta ayeey hareer martay.

Inkastoo ay jireen fursado dhowr oo labada dhinac ay iska qasaariyeen ayaa hadana daqiiqadii 41-aad waxaa  weerar-yahanka kooxda Atletico Costa uu ku  dhawaaday in uu goolka koowaad u saxiixo kooxdiisa ka dib darbo xoogan oo uu ku laaday goolka balse waxaa ka beeniyay daafaca Chalsea Azpilicueta.

Qaybtii hore waxaa lagu kala nastay 0-0 ,waxaan markii la isku soo laabtay daqiiqadii 70-aad garoonka laga saaray Terry oo isna  dhaawac uu  soo gaaray ,halka daqiiqadihii 74-aad iyo 76-aad ay Atletico qasaarisay fursado gool loo filan karay ,waxaan kulanka lagu kala baxay goolal  la'aan ,iyadoo lugta hartay lagu ciyaari doono garoonka kooxda Chalsea ee Stanford Bridge.

Dhinaca kale kooxaha Real Madrid iyo Bayern ayaa yeelan doona mid kamid ah kulamada aadka loo ixtiraamo ee koobkan ,waxaana lugta koowaad lagu ciyaarayaa garoonka Santiago Bernabue ,iyadoo Real ay dib u heli doonto Cristino Ronaldo oo dhaawac ku maqnaa sida la sii shaaciyay .

Labada kooxood oo ay kala wataan laba tababarayaal  oo khibrad u leh koobkan ayaa ku kulmay Benabua 10-jeer ,waxaana kooxda reer Jaramal ay badisay laba jeer oo kaliya ,waxaana lagu wadaa in natiijada kulankan ay go'aamin doonto cidda final imaanaysaa iyo cidda haraysa .

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]