4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
Taliska Booliiska Somaliland oo ka hadlay shilalka gaadiidka oo soo badanaya

Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) — Somaliland ayaa waxaa ku badanaya shilalka gaadiidka, iyadoo taliska booliiska Somaliland oo ka hadlay kororka shilalka ay sheegeen inay sabab u tahay taleefoonnada gacanta oo darawaladu ay qabtaan iyagoo gaadiidka kexeynaya iyo xawaaraha sare ee gaadiidka lagu wado.

Taliyaha booliiska Somaliland, Cabdullaahi Fadal Iimaan oo BBC-da u warramayay ayaa ka sheekeeyay khasaarihii ka dhashay shilalkii dhacay bilaha ugu horreeyay sannadkan, isagoo sheegay inay ahaayeen kuwii ugu badnaa ee muddo intaan le’eg ka dhaca Somaliland.

“Saddexdii bilood ee sannadkan ugu horreysay guud ahaan waxaa dhacay 648 shil, waxaa ku dhintay 20-qof, waxaa ku dhaawacmay 443-qof, waxaa ku khasaaray gaadiid dhan 414, waxay kaloo khasaare kasoo gaartay 41-neef oo xoolo ah iyo iyadoo ay ku dumeen 26-dhisme,” ayuu yiri taliyaha booliiska Somaliland Fadal.

C/llaahi Fadal oo la weydiiyay sababaha ugu badan ee keena shilalka gaadiidka ayaa sheegay in inta badan shilalka ay sababaan saddex arrimood oo kala ah, in darawalladu ay isticmaalaan taleefoonno iyagoo gaadiidka wada, gaadiidka oo si xowli ah loo wado iyo hadaadka gaadiidka oo aanay darawalladu isticmaalin.

Mar la weydiiyay su’aal kale oo ahayd in waxyaabaha shilalka keena ay ka mid yihiin laysannada gaadiidka lagu kexeeyo oo si fudud lagu qaato iyadoo aanu qofku si wanaagsan u garanayn wadista gaadiidka ayaa ku wajaabay inaysan taasi jirin oo ay been tahay.

“Bixinta laysannada aad ayaan u adkeynay, lamana ogola in la siiyo dhallinyarada aadka u yar, si aysan u badan shilalka gaadiidka, maadaama dhalinyaradu ay yihiin kuwa inta badan shilalka gala,” ayuu yiri C/llaahi Fadal.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in dhamamaadkii sannadkii hore ciidamadu soo kordhiyeen gaadiid cusub oo ay isticmaalaan gaadiidka ilaalada waddooyinka oo la gaarsiiyay gobollada Somaliland oo dhan, kuwaasoo ka hortaga in gaadiidka loo kexeeyo si xowli ah.

“Tusaale ahaan Bariga iyo Galbeedka Hargeysa waxaannu geynay gaadiidkaas, si loo yareeyo shilalka, waxaana ciidamada gaadiidkan wata ay joojinayaan gaadiidka xowliga loo wado, iyagoo ganaaxna dul dhigaya, si loo hakiyo in gaadiidka xowli loo kexeeyo,” ayuu yiri taliyaha booliiska Somaliland.

Ugu dambeyn C/llaahi Fadal ayaa sheegay in gaadiidka shilalka gala ay u badan yihiin kuwa yar-yar ee raaxada, jidadka ugu badan ee ay shilalku ka dhacanana ay yihiin kuwa waaweyn ee magaalada ku dhex yaalla iyo kuwa ka baxa intaba.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya