4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
Wiil Somali ah oo ku Dhuuntay Taayarka Diyaarad ku Safraysay Mareykanka

Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) — Iyadoo saxaafadda caalamka ay dhawaan baahisay in wiil 16-sano jir ah oo si mucjiso leh ku hoos galay taayarka diyaarada isaga kala gooshaysay gudaha Mareykanka uuna halkaas ku jiray 8-saacadood oo isugu jiray shan saacadood oo diyaaraddu ay duulimaad ku jirtay iyo saddex saac oo ka horreysay, iyadoo la shaaciyay in wiilkaas uu yahay Soomaali.

Diyaaradan oo ka duushay gobolka California ayaaku socotay Hawaii, iyadoo wiilka uu si nabad ah uga dagay diyaaraddu markii ay fariisatay taasoo ka yaabisay dadkii diyaaradda la socday, ciidamada ammaanka iyo shaqaalihii diyaaradda.

Wiilkan ayaa la sheegay inuusan ogeyn halka ay diyaaraddu u socotay, balse isagu uu doonayay inuu u tago hooyadiis oo Soomaaliya ku nool, waxaana uu noqonayaa mid ka mid ah dadkii ka badbaaday arrintan khatarta badan.

Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in wiilkan uu badqabo, isla markaana uu doonayay inuu hooyadiis oo Soomaaliya joogta u tago, balse ma aysan sheegin in arrintaas loo fulin doono iyo in kale.

Lama shaacin weli magaca wiilkan, balse arrinta la yaabka leh ayaa waxay tahay in wiilkan uu godka taayarka diyaaradda galay, 1:00 habeenimo, diyaaradduna ay ka duushay garoonka 5:00 aroonimo, iyadoo safarkuna uu qaatay shan saacadood oo toos ah, waxaana goobta uu ku jiray la sheegay inay ahayd meel aad u qabow.

Waxyaabaha aadka loo hadal-hayo ayaa waxaa ka mid ah sida ay wiilkan yar ugu suurogashay inuu kasoo gudbo xayn-daabka garoonka uuna diyaarada uga galo taayarka hoostiisa iyadoo aan la ogaan.

Arrintan oo kale ayaa waxaa dunida isku dayay 105-qof, iyadoo la sheegay inay ka badbaadeen 25-qof oo meeshii ay doonayeen garaay iyagoo ku dhuumanaha qaybta hoose ee lugta diyaaradda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya