4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
Danjira Nicholas Kay oo ka digay Xaaladda Ammaan ee Magaalada Muqdisho

Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee samafalka ay dhici karto inay isaga baxaan Muqdisho haddii ay sii socdaan weerarrada lagu beegsanayo xubnaha dowladda.

Danjire Nick Kay ayaa hadalkan sheegay kaddib markii laba xildhibaan oo baarlamaanka Somalia ka tirsan lagu dilay Muqdisho, iyadoo mas’uuliyadda dilalka xubnaha baarlamaanka ay sheegatay Al-shabaab.

Wakiilka UN-ka ayaa sheegay in weerarradan ay sababi karaan in ha’yaduhu ay ka baxaan Muqdisho oo dhan ama ay sababaan in howlaha gargaarka ee ay wadaan ay hoos u dhigaan.

“Waxaan aad uga walwal qabaa ammaan-darrada soo korortay, haddii xarumaha UN-ka la weeraro, taasi waxay keenaysaa inaan ka baxno Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Kay oo ka hadlayay machadka nabadda  ee Washington.

Sidoo kale, danjire Kay wuxuu sheegay in haddii weerarradu ay sii socdaan ay keeni karaan khasaarooyin intan ka badan, isagoo dalbaday in gacan laga siiyo dowladda Soomaaliya sidii ay ammaanka Muqdisho ku adkeyn lahayd.

Dalalka reer galbeedka ayaa xoojinayay sannadihii u dambeeyay xiriirka ay la leeyihiin dowladda dhexe ee Soomaaliya, balse dhowr jeer ayay reer galbeedku ka digeen khatarta dhinaca ammaanka ah ee ka jirta Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab oo Muqdisho ka baxday sannadkii 2011-kii ayaa weli ka sii wadda weerarrada ay ku beegsanayso xarumaha dowladda, kuwa AMISOM iyo kuwa hay’adaha samafalka ay ku leeyihiin Muqdisho sida kuwa Qaramada Midoobay.

Bishii June 2013-kii ayay ahayd markii xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho ay Al-shabaab weerartay, iyadoo xoogaggii Al-shabaab ay awood u yeesheen inay gudaha u galaan xaruntaas ayna ku dilaan shaqaale ajnabi ah.

Inkastoo Kay uu sheegay inay dhici karto in ha’yadaha Qaramada Midoobay ay isaga baxaan Muqdisho haddii qaraxyadu sii socdaan ayaa haddana waxaa Muqdisho la keenay dhawaan 64-askari oo qayb ka ah 400 oo askari oo Uganda u dhashay oo ilaalin doona xarumaha Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn, danjire Kay wuxuu sheegay in inkastoo uu walaac ka qabo xalaadda ammaan, haddana ay isku dayayaan inay kordhiyaan howlaha ay ka wadaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya