4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay sababta ay u beegsanayaan Xildhibaanada

Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) — Iyadoo laba maalin oo isku xigta lagu dilay Muqdisho laba xildhibaan oo ka tirsanaa golaha baarlamaanka Soomaaliya ayna mas’uuliyadda dilkooda sheegatay Al-shabaab ayuu afhayeenka Al-shabaab wuxuu ka warbixiyay sababta ay u beegsanayaan xildhibaannada.

Afhayeenka guud ee Al-shabaab Sheekh Cali Dheere, wuxuu sheegay in sababta ay u beegsanayaan xildhibaannada baarlamaanka inay tahay inay isku sheegeen inay yihiin sharci-dejiyeyaal doonaya in sharciga Ilaahay ay ka kor-mariyaan sharciga ay iyagu dejiyeen.

“Xildhibaannadu waa kuwa ugu horreeya oo aan dagaalka kula jirno, waayo waxay isku sheegeen inay yihiin sharci-dejiyeyaal, waxayna doonayaan inay sameeyaan sharci la isku xukumo oo aan ahayn kan Alle innaguna taas ayaan diiddannahay,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab.

Sidoo kale, Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay inay sii wadayaan beegsiga ay ku hayaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku boorriyay xoogagga  Al-shabaab ka tirsan inay ku toogtaan meel walba oo ay kula kulmaan xubnaha baarlamaanka.

Afhayeenka ayaa sheegay inaysan jirin wax ka hor-istaagaya inay xildhibaannada ku ugaarsadaan meeshii ay doonaan, wuxuuna xusay in ammaanka Muqdisho uu yahay mid aan wanaagsanayn oo wixii la doono laga sameyn karo.

“Haddii ay is leeyihiin waxaa idinka celinaya AMISOM iyo ciidammo kale, waxaan u sheegaynaa inay ogaadaan in madaxtooyada la weeraray in AMISOM laga dilay taliye ku xigeenkoodii iyo falal kale oo Muqdisho laga geystay,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sheekh Cali Dheere ayaa hadalkiisan kusoo beegay iyadoo laba maalmood oo isku xigta lagu dilay Muqdisho laba xildhibaan oo baarlamaanka Soomaaliya ka tirsanaa mid kalena lagu dhaawacay.

Dhanka kale, guddiga ammaanka baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumadda ugu baaqay in xildhibaannada loo sameeyo ciidammo gaar ah oo ilaaliya, si aanay u soo beegsan kooxaha kasoo horjeeda nabadda oo ay ula jeedaan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya