4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
SWEDEN: Kulan looga hadlay dhibaatada Maandooriyaha & Qaadka (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) — Bishan Abriil 18-keedii waxaa lagu qabtay xaafadda Tensta ee magaalada Stockholm ee xarunta dalka Sweden kulan ballaaran oo looga hadlaayay dhibaatooyinka isticmaalka maandooriyayaasha noocyadiisa kala duwan iyo iyo qaadka.

Kulanka oo ay muhiimaddiisu ahayd sidii ay waalidiinta iyo dhallinyaraduba wax uga ogaan lahaayeen dhibaatooyinka ka dhasha isticmaalka maandooriyayaasha ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyay ururka waalidiinta iyo macallimiinta Soomaaliyeed (SFMF) ee xaafadda Tensta iyo ururka Isbaheysiga Ummadda Soomaaliyeed (SRFS).

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dadweyne fara badan oo isugu jiray waalidiin, dhallinyaro iyo dhakhaatiir Soomaaliyeed. Kulanka ayaa waxaa lagu daah-furay aayado Qur’aan ah oo uu akhriyay, Cabdulkaadir Sudani. Intaa kaddib ayaa waxaa hadallo soo dhaweyn ah jeediyay guddoomiyaha ururka waaliddiinta Soomaaliyeed ee dalka Sweden, Cabdicasiis Cali Geedi, waxaa sidoo kale goobta ka hadlay guddoomiyaha ururka isbaheysiga ummadda Soomaaliyeed, Cabdinuur Ciise oo sheegay in ururka Isbaheysigu uu dhiirri-gelin doono wax-qabadka ururrada xubnaha ka ah.

Intaa kaddib ayaa waxaa warbixin ku saabsan dhibaatooyinka maandooriyeyaasha ay leeyihiin halkaas kasoo jeediyay, Dr. Yacquub Aadan iyo Dr. Xaliima Cali, iyagoo si hufan u sharraxay waxyeellada maandooriyeyaasha iyo sida lagu ogaan karo marka uu qofku isticmaalo.

Waxaa kaloo ay dadka ku boorriyeen inay la xiriiraan goobta caafimaadka ee ay iyagu joogaan si ay u caawiyaan qofkii u baahan in la baaro ilmahiisa si uu u ogaado inuu isticmaalo maandooriye iyo in kale.

Dhakhaatiirtu waxay soo bandhigeen cilmi-baaris lagu sameyn doono arrimaha qaadka si loo ogaado dhibaatooyinkiisa iyo sida loo xallin karo, iyagoo ka codsaday Soomaalida inay garab ku siiyaan sidii ay baaritaankaas u sameyn laheeyeen.

Kulanka ayaa ahaa mid loo baahnaa lagana mahad-celiyay. 

Cabdullaahi Cilmi (Asad)
E-mail:
[email protected]
Stockholm, Sweden