4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
Hay’adda Hormuud Foundation oo beero u fashay 500-Qoys oo Beeraley ah


Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) —Hay’adda Hormuud Foundation oo ah qeybta qaabilsan howlaha gargaarka iyo horumarinta ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa maaligelisay mashruuc lagu taageeray qaar ka mid ah beeralayda yar -yare ee gobolka Shabeellada dhexe , gaar ahaan tuulooyinka hoos -yimaada Jowhar.

Guddoomiyaha Hormuud Foundation , Cabdullahi Nuur Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in mashruucaan lagu caawiyay 500-qoys oo dan-yar ah  kuna nool tuulooyinka ku teedsan webiga Shabeelle, gaar ahaan degmada Jowhar.

Qoysaska ka faa’ideystay mashruucaan waa qoysas beeraleey ah oo ay saameyn ku yeesheen fataahadihii ku dhuftay Jowhar iyo deegaannada ku dhow-dhow oo aan awood u lahayn inay beerahooda fashaan.

“Hay’addu waxay bixisay dhammaan kharashkii ku baxay oo dhan sida abuurkii iyo kharashkii cagaf-cagafyadii beeraha u falay, waxaana u abuurnay una falnay qoys kasta hal hiktar oo dhul ah, taasoo macnaheedu yahay inaan u falnay dhamaantood illaa iyo 500 oo hiktar, aad iyo aad ayayna uga mahad-celiyeen.  Qoysaska ka faa’iideystay mashruucaan waxaa laga soo xulay in ka badan 35-tuulo oo ka tirsan degmada Jowhar,” ayuu yiri C/llaahi Nuur.

Sidoo kale, maamulaha Hormuud Foundation ayaa sheegay in in badan oo ka mid qoysaskaan ay beeralah u faleen una abuureen ay ka mid ahaayeen illaa iyo 600-qoys oo ka baracay fataahadihii webiga Shabeelle, kuwaasoo aan uga furnay Jowhar xarun lagu quudiyo bishii Oktoobar 2013-ka. Xaruntaasoo furnayd muddo ka badan afar bilood.

Maamulaha ayaa intaas ku daray in shirkadda Hormuud ay ahayd ciddii ugu horreysay ee gargaar u fidisay dadkii ay sameeyeen fatahaadii ka dhacday Jowhar iyo ciddii ugu horreysay ee xarun quudin u furta dadkaa ka baracay biyaha.

Guddoomiye Cabdullaahi waxaa sheegay in intii ay socotay fatahaadda iyo barakacii ka dhashay fatahaadda in Hormuud Foundation iyo Jaamacadda Banaadir u direen Jowhar koox dhakhaatiir oo halkaa ka fulisay howlo caafimaad oo isugu jiray baaris caafimaad iyo daweyn loo sameeyay dadkaa ka barakacay fatahaada webiga Shabeelle taasoo runtii wax weyn u tartay.

Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa sheegay in Hormuud Foundation ujeeddada loo aasaasayna ay tahay inay gargaarto dadka Soomaaliyeed, gacanna ka geysato sidii inta taagta daran u noqon lahaayeen kuwo isku filan oo ka maarma inay gacanta hoorsadaan.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay madaxa Hormuud Foundation ayaa xusay inay ahayd ujeedadda ay u maal-geliyeen mashruucaan ay tahay in sidii dadka beeraleyda ah ay noloshooda dib ugu maareyn lahaayeen, si ay uga maarmaan in la quudiyo iyo inay gacan weyn ka geytaan wax soo saarka dalka. Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa u mahad-celiyey cid kasta oo gacan ka geysatay fulinta mashruucan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya