4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
Ururka Iskaashiga Islaamka oo Gaadiid ugu deeqay Xabsiga dhexe ee Xamar


Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) — Ururka iskaaashiga  Islaamka ee OIC ayaa maanta ugu deeqay xabsiga dhaxe ee Muqdisho gaadiid isugu jiray kuwa gargaarka deg-degga ah ee loo yaqaan Ambalaasta iyo booyad nooca biyaha lagu qaato ah.

Xarunta xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa lagu qabtay munaasabad gaadiidkan lagu wareejiiyay, waxaana kasoo qayb-galay wasiirka wasaaradda garsoorka iyo dastuurka, Faarax Sheekh C/qaadir, saraakiil ka tirsan ciidamada Asluubta Somalia iyo mas’uuliin kale oo ka socotay ururka iskaashiga Islaamka.

Maxamed Iidle Sabriye oo ah mas’uul ka tirsan ururka iskaashatada Islaamka oo ka hadlay munaasabadda ayaa sharraxaad ka bixiyay ujeeddadagaadiidkan ay ugu wareejiyeen taliska ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka hadlay, wasiirka cadaaladda iyo dastuurka xukuumadda Soomaaliya, Faarax Sheekh C/qaadir oo sheegay in dib u dayactir lagu sameyn doono xabsiga dhexe ee Muqdisho iyo in is-bedel deg-deg ah laga dareemi doono gudaha xabsiga dhexe.

Gaadiidka maanta loogu deeqay ciidamada asluubta Soomaaliyeed ayaa u fududeyn doona xabsiga dhexe ee Xamar adeegga caafimaadka iyo gurmadka deg-degga ah, iyadoo ay tani noqonayso markii ugu horreysay oo gaadiid noocan oo kale ah loogu deeqo xabsiga dhexe ee Xamar.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya