4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
Danjire Nicholas Kay oo Cambaareeyay dilkii Xildhibaan C/casiis Isaaq Mursal


Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) — Ergyaga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, danjira Nicholas Kay ayaa cambaareeyay dilka loo gaystay maanta xildhibaan, Cabdicasiis Isaaq Mursal oo ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuum Isaaq waxaa lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla degmada Dhakeynley ee gobolka Banaadir, waxaana dilay dabley bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo markii ay dilka fuliyeen baxsaday.

“Mursal waa mudanahii labaad ee lagu dilo Muqdisho in ka yar 48-saacadood, shalay oo Isniin ahayd waxaa isla la dilay, xildhibaan Isaaq Maxamed Riino, labada dilba waxaa sheegtay Al-shabaab,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Kay.

Sidoo kale, danjire Kay wuxuu ku yiri qoraalkiisa: “Waxaan aad uga xumaaday dilka xildhibaan C/casiis Isaaq, waxaana si adag u cambaaraynayaa dilkan. Waxaa kaloo i xanuunjiyay dil kale oo xalay loo gaystay Muqdisho wariye. Warbaahinta waa in loo ogolaadaa inay howshooda u wataan si aanay cabsi ku jirin.”

Dabley aan heebtooda la garanaynin ayaa ku dilay suuqa Bakaaraha gabal-dhicii xalay wariye u shaqaynayay Dalsan Radio oo lagu magacaabi jiray, Muxamed Xasan Camaar, sidoo kale, wariyuhu wuxuu ahaa dhaqdhaqaaq dhinaca dhallinyarada ah.

“Waxaan ka walaacsanahy weerarada kasoo cusboonaaday Muqdisho. Waxaa naga go’an inaan sii wadno taageerida dadka Soomaaliyeed iyo wakiiladooda, taasoo ku aaddan sidii ay ku gaari lahaayeen mustaqbal ay ku dheehantahay xasillooni iyo deggenaasho,” ayuu mar kale yiri danjire Kay. 

“Dadka  mas’uulka ka ah dilkan arxan la’aaanta ah, ma hayaa wax kale oo aan ka ahayn inay sii wadaan qaska iyo ammaan-daridda. Waxaan dowladda Soomaaliya ugu baaqayaa inay si dhaqso leh u baarto weerarradan una hor-keento maxkamad dambiilayaasha,” ayuu hadalkiisa raaciyay wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya.

Ugu  dambeyn, ergayga ayaa tacsi u diray qoysaskii iyo saaxiibaddii Mursal iyo Camaar, sidoo kalena wuxuu tacsi u diray baarlamaanka Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya