4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay Xildhibaan lagu dilay Magaalada Muqdisho


Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay xildhibaan lagu dilay Muqdisho, wuxuuna tacsi u diray ehellada xildhibaan, Isaaq Maxamed Riino oo shalay lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray.

Xildhibaan Isaaq Maxamed Riino ayaa ka mid ahaa laba xildhibaan oo shalay iyo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho, iyadoo dilalka xildhibaannadan ay sheegatay Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

“Howshii ka qabtay dib u dhiska Soomaaliya mar walba way xusuusan doonaan kuwa uu ka tagay,” ayuu yiri Kenyatta oo sheegay inuu cambaareynayo dilkaas loo geystay xildhibaanka baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan.

Sidoo kale, Kenyatta wuxuu yiri: “Weerarradaas fulaynimada ah waxay sii xoojin doonaan howsha socota, waxaana sameyn doonnaa wax walba oo aan kaga guuleysan karno argagaxisada.”

Madaxweynaha Kenya wuxuu xusay in isagoo ku hadlaya magaca xukuumaddiisa iyo kan shacabka Kenya inuu tacsi u dirayo dowladda Soomaaliya, shacabkeeda iyo sidoo kale qoyskii uu ka geeriyooday xildhibaan Riino.

“Waxaan hubaa in dadka iyo xukuumadda Kenya inay idin garab-taagan yihiin xilliga murugada idin haysata,” ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa siiyo xildhibaanka la dilay.

Uhuru Kenyatta ayaa noqonaya madaxweynaha keliya ee Afrikaanka ah oo dilka xildhibaanka baarlamaanka ka tirsan loogu geystay Muqdisho, iyadoo Kenya ay kaga sugan yihiin Soomaaliya ciidammo ka mid ah kuwa AMISOM.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay dilka xildhibaan Riino iyo xildhibaan C/casiis oo maanta lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, iyadoo dilalka xldhibaannada ay noqodeen kuwo ay shacabka Muqdisho aad u hadal-hayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya