4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
Wiil uu Dhalay Ninkii Faafiyay Filimkii FITNA oo Diinta Islaamka Qaatay

Iskander iyo aabihiis Arnoud van Doorn | Xuquuqda sawirka: Khaleej Times

Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) —Waxaa diinta Islaamka qaatay wiil uu dhalay Arnoud van Doorn oo ah nin Holandiis ah, kaas oo sannadkii 2008 faafiyey filim diinta Islaamka meel-ka-dhac ku ahaa caro badanna ka dhaliyey dunida muslimka ah. Arnoud ayaa isagu sannadkii hore Islaamay.

Wiilka oo lagu magacaabo Iskander Amien De Vrie da'diisuna ay 22jir tahay, wuxuu qayb ka ahaa 37 qof oo Islaamka soo galay intii uu socdey Shir Nabadeedka Dubai ee Caalamiga ah.  Shirkaas oo sannad walba ka dhaca magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxaa kasoo qayb gala dad ka kala yimid dunida oo dhan kuwaas oo diimo iyo dhaqamo kala duwan leh, waxaana lagu gorfeeyaa sidii dunida looga dhigi lahaa mid xasilloon dadkuna ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.

" kaddib markii uu aabahay muslimay, waxan ka arkay xasillooni iyo deggenaan badan, markaas ayaan garowsaday in diinta Islaamku ay wanaagsan tahay. Waxan bilaabay barashada Qur'aanka, waxan sidoo kale tegi jirey muxaadarooyin ay jeedinayaan wadaado iyo aqaan-yahanno muslim ah..." Iskander oo ah wiilka Arnoud Van Doorn ayaa sidaas u sheegay wargeyska Khaleej Times.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: "saaxiibkey Yoonis oo jaamacadda aan isla dhiganno waa nin Islaamnimadu ay si wanaagsan uga muuqato, maalin kastana wax cusub ayuu i baraa, si dabacsan ayuuna iila dhaqmaa"

Filimka uu van Doorn  soo saaristiisa ka qayb qaatay oo loo bixiyey magaca FITNAH, waxaa si aad ah loogu duray diinta Islaamka oo laga bixiyey sawir khaldan iyadoo laga dhigay diin ku dhisan dulmi, caddaalad darro iyo isir nacayb.

Soo saaristii filimka kaddib, Arnoud wuxuu sameeyey baaritaan dheer diinta Islaamkana wax badan ayuu ka bartay, wuxuuna muslimay shan sano kaddib markii uu filimka Fitna soo baxay xilligaas oo ku beegnaa sannadkii hore ee 2013.

Hadda wuxuu sheegay inuu ku howlan yahay soo saarista filim cusub oo ka hadlaya Islaamka iyo noloshii Nebi Muxammad (N.N.K.H), isagoo ku tilmaamay in filimkaasi uu yahay mid uu ku saxayo khaladkii uu horay u galay.

Wuxuu sidoo kale madax ka yahay Ururka Dacwada ee Yurub, isagoo sheegay inuu wakhti badan gelin doono sidii laysugu soo dhoweyn lahaa muslimiinta iyo dadka kale ee aan muslimka ahayn, loona baabi'in lahaa fikirka khaldan ee Islaamka laga haysto.

Arnoud van Doorn  oo sharraxaya filimka uu soo wado iyo waxyaabaha uu kusoo bandhigi doono wuxuu yiri: "Waxan dareemayaa ina mas'uuliyad weyni ay iga saaran tahay inaan saxo khaladaadkii aan horay u galay, waxan doonayaa inaan xirfaddeyda iyo hal-abuurkayga u adeegsado hab wanaagsan. Filim cusub oo lagu magacaabo Islaamka iyo noloshii nebi Muxammad
(N.N.K.H) ayaan isku deyayaa inaan soo saaro. Filimkaasi wuxuu tusaaleyaal fiican ka bixin doonaa noloshii Nebi Muxamad (N.N.K.H) iyo waxyaabah aan kaga dayan karno, wuxuuna diinta kusoo dhoweyn doonaa daka aan Muslimka ahayn ee dhallinayrada u badan..."

Iskander oo ah wiilka uu dhalay Arnoud ee dhowaan diinta Islaamka qaatay, wuxuu sheegay in hadda uu qorsheynayo safar uu ku tago Sucuudiga si uu usoo cumreysto, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in hooyadiis ay iyaduna Islaamka qaadan doonto.

Xigasho: Khaleej Times
 
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya