4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
Siilaanyo oo Xadhigga ka Jaray Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Deegaanka


Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo sameeyey Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reermiyiga Somaliland oo laga dhisay Magaalada Hargeysa.

Dhismahan Wasaarada loo dhisay oo ay hirgalisay xukuumaddu ayaa madaxweynuhu kormeer ku maray qaybaha kala duwan ee dhismuhu ka kooban yahay iyo qaabka loo dhisay wasaaradda.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka Iyo Horu-Marinta Reer Miyiga Somaliland, Shukuri Xaaji Ismaaciil baandare, ayaa madaxweynaha uga xogwarantay dhismaha cusub ee loo dhisay wasaaradeedda.

“Gurigii wuu dhamaaday, guriweyn oo isna aan waxba ka yarayn ayaa isna ka socda Gabilay, waxa kale oo aanu wadnaa sagaal dhisme oo kale oo aanu ku baahinayno dalka oo dhan”ayey tidhi wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Shukri Baandare oo ka hadlaysa dhismayaal kale oo ay dalka ka wadaan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Waxayna intaas ku dartay “Wasaaradaha mar hadii aad dhistay xafiisyadooda dee waa inaad dadkiina aad dhisaysaa oo qalabaynaysaa,waxaana xusid mudan in tobabaro faro-badan la siinaayo shaqaalaha laftooda oo tayadooda kor usoo qaadaya”.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa wasiirka Deegaanka  ku hambalyey dadaal ay ugu jirto ilaalinta deegaanka iyo waxtarka reer Miyiga.

“Waxaanu balan qaadaynaa inaanaan waxba kala hadhin wasaaradan,waxaa aynu nahay umad xoola dhaqata ah, reer miyi ah, beeralay ah, deegaanku ahmiyada uu inoo leeyahay waa wax nolosha dadkeena iyo umadeenuba ay ku fadhiyaan qiima weyna u leh marnabana aynaan ka maarmayn”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey sida ay uga go’an tahay daryeelka deegaanka, waxaanu intaas ku daray “waxaan ku dagaalamaynaa oo anu ku hawl galaynaa in aanu wasaarada kala shaqayno hawlahaa ay u baahan tahay oo dhanba si loo nabad galiyo bii’adda, si loo nabad galiyo deegaanka qaran ahaan iyo umad ahaana ay naan wax kala hadhnaa aanay jirin”.

Munaasibadan xadhiga looga jarayey dhismaha cusub ee loo dhisay wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga ayaa ka duwanayd xafladihii kale ee uu madaxweynuhu ka qaybgali jirtay, waxaana hadyado dharka Hidaha iyo dhaqanka soomaalidu gudoonsiiyey dadka reer miyiga ah oo uu ugu dhiibay wasiirka deeganka, waxa kale oo xusid mudan in marti sharafta aan loo keenin wax sharaab, keek, nacnac  iyo buskut ah, taas oo loogu bedelay cuntooyinkii dhaqan ahaan soomaalidu isticmaali jiray inta aan magaalooyinka la soo galin, waxaana goobta lagu qaybinayey Caano Geel, Muqamad, Hilib Solaya, Malab, Timir, iyo Subag, taas loogu bedelay sharaabkii iyo macmacaankii xafladaha sidan oo kale la isku sooryeen jiray.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu shahaado sharaf gudoonsiiyey Odayaal bartay cilmiga Deegaanka, kuwaas oo ilaaliya deegaanka kana hortaga xaalufinta dhirta  lagu hayo.

Dhinaca kale, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh KHaliil Cabdilaahi, ayaa ku dhawaaqay In Guud ahaanba Dalka looga dareeri doono maalinta Sabtida  ee 26ka bishan April 2014ka  kuna Beegan 26=ka Bisha jumaadalaakhir ee 1435ka Hijriya. Saacaddu marka ay tahay 9:00 Sagaalka subaxnimo Roobdoon illaahay la baryi doono inuu Roob khayr leh ina siiyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland