4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
Biyo la'aan laga soo Sheegayo Deegaanno Hoos-taga Degmada Maxaas

Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan kuwa AMISOM, ayaa sheegaya in biyo la'aan darran soo food saartay dadka ku dhaqan qaar ka mid ah deegaannada hoostaga degmada.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqan deegaannka Teedaan Axmed Xassan Barre oo la hadllay HOL ayaa sheegay dhamaanba ay gureen ceellashii yo warihii ay ka cabi jireen dadka xoolaha intaba, taasoo ah dhibaato ballaaran oo soo food saartay dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaannadaas.

“Deegaannada hoostaga degmada Maxaas xiligan waxaa ka taagan biyo la'aan darran oo soo food saartay dadka iyo duunyada, deegaannada ay biyo la'aanta ka jirto waxaa ka mid ah Teedaan, Bukure, Raqso, Ina-Baal, Dib-ugal, iyo deegaanno kale,'' ayuu sheegay Axmed Xassan

Wuxuu sheegay in dadka ku dhaqan deegaannadaas biyaha ugu dhaw ay ka helli karaan meel masaafo ah ahaan u jirta 80km, oo ay adag tahay in dadka jilicsan sida haweenka iyo caruurta biyo u doontaan.

Maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan iyo hay'addaha samafalka ayeey ugu baaqeen dadka ku dhaqan deegaannadaas in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto biyo la'aanta soo food saartay dadkaas.

“Dadka ma awoodaan  in ay guuraan, halkii ay ku noolaayeenna biyo la'aan ayaa ku soo food saartay, sidaa daraadeed maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan waxaaan ugu baaqeynaa in ay arrintaa wax ka qabtaan,'' ayuu yiri Axmed Xassan Barre.

Xaaladaha biyo la'aaneed oo ay ka cabnayaan dadka ku dhaqan deegaannada hoostaga degmada Maxaas ayaa ku soo beegmaya xili qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah xarrakada Al-shabaab, kuwaa oo saameyn ku yeeshay nolasha in badan oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaannada ay ku dagaallamayaan dhinacayada iska soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya