4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in dilalka socda aysan cabsi-gelinayn

Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in xildhibaannadu ay yihiin naftood hurayaal aan marnaba ka leexanayn howsha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, aysanna cabsi gelinayn dilalka loo geysanayo xildhibaannada.

Prof. Jawaari oo ka hadlayay kulankii baarlamaanka ee maanta ay Muqdisho ku yeesheen, kaasoo loo joojiyay dilka xildhibaanka ayaa xusay inay sii wadayaan howsha ay u idmadeen shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaa xaqiijinayaa in xildhibaannada baarlamaanka marna aysan u kala hari doonin howsha ay u dhaarteen, maalintii aan u dhaarannay ayaa waxaa noqoay naftood hurayaal, xildhibaan kasta wuxuu diyaar u yahay inuu guto waajibkiida inta uu waqtigu uga imaanayo," ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar oo isaguna wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in xildhibaan C/casiis uu ka mid ahaa xildhibaannada ugu firfircoon howlaha baarlamaanka.

“Xildhiabanku wuxuu nala joogay aaskii shalay loo sameeyay walaakeen Riino oo lagu dilay qarax, isagana maanta ayay kooxo hubeysan ku dhex dileen gurigiisa, balse waxaa naga go’an inaan howsha sii wadno illaa aan ka dhimanayno,” ayuu Iikar ku sheegay wareysiga.

Jeylaani Nuur ayaa intaas ku daray in dilkan ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan Al-shabaab, ayna xilligan kooxdu tahay naf-lacaari taasina ay muujinayso inay beegsanayaan xildhibaannada iyo shacabka.

“Al-shabaab markii laga qabsaday deegaanno badan ayay billaabeen inay dilal ka geystaan Muqdisho, taasna waa mid caddeyn u ah xaaladda ay ku jiraan, laakiin waxaa soo socota xilligii ay dhabar-go’i lahaayeen,”  ayuu Jeylaani hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, guddiga ammaanka Qaranka ayaa arrintan kulan deg-deg ah ka leh, iyadoo kaga doodaya dilalkii xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka shalay iyo maanta loogu geystay Muqdisho, waxaana dilalkaas mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya