4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
Golaha Wasiirrada Somalia oo ka dooday Sameynta Maamul Goboleedyada

Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirrada xukuumadda ka yeeshay samaynta maamul goboleedyada dalka.

Golaha ayaa dood dheer ka yeeshay muhiimadda ay leedahay in si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka loo sameeyo maamulada gobollada, gaar ahaan deegaannada laga saaray Al-shabaab.

Golaha ayaa isku raacay in dhismaha maamulada gobolladu ay noqdaan kuwo laga qayb-geliyo dadweynaha, waxayna tallaabadaasi noqonaysaa mid isku soo dhaweysa shacabka iyo dowladda.

Sidoo kale, Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa tilmaamay in maamullada ay ka jawaabaan baahida dadweynaha Soomaaliya, isla-markaasina ay dadku la xisaabtami karaan madaxdooda.

Ra’iisul wasaaraha oo shirka ka hadlayey wuxuu yiri: “Dowladda Somalia waxaa ka go’an samaynta maamulada gobollada dalka, iyadoo loo marayo si waafqasan dastuurka.”

“Maamullada gobollada waxay muhiim u yihiin dhismaha qarankeena. waana inay noqdaan kuwo u dhow bulshada, si dadku u helaan fursad ay kula xisaabtami karaan madaxdooda,” ayuu hadalkiisa ku daray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu yiri: “Waxaa muhiimad leh in mudnaan la siiyo dhismaha deegaannada dhawaan la xoreeyay si aanay u jirin marnaansho dhinaca ammaanka ah, isla markaasna la hirgeliyo qorshayaasha dowladda ee lagu dhisayo deegaannadaas.”

Ugu damebyn, ra’iisul wasaaraha xukuumadda ayaa canbaareeyey dil shalay suuqa Bakaaraha loogu geystay wiil dhallinayaro ahaa oo u halgami jiray nabadda iyo arrimaha bulshada Soomaaliya. Wiilkan oo lagu magcaabi jiray Maxamed Cumar Maxamed “Caammir” ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo hubeysan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya