4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
Madaxweynaha Burundi oo Muqdisho yimid lana Kulmay Madaxweynaha


Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa maanta booqasho ku yimid Muqdisho, isagoo la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo booqashadan ay noqonayso tii labaad oo uu Muqdisho ku yimaado.

Madaxweynaha Brundi ayaa sidoo kale kulan la qaadan doono taliyaha ciidanka AMISOM, Jen, Silas Ntigurirwa, isagoo booqan doono goobaha ciidanka Burundi ay kaga sugan yihiin Muqdisho.

“Aad iyo aad baan ugu faraxsan nahay inaan madaxweynaha dalka Burundi ku soo dhaweeyo Muqdisho. Ciidamada Burundi ayaa nala joogay tan iyo December 2007, mana illaabi karno dadaalkooda dib u soo celinta amniga Soomaaliya iyo sida ay naftoodu ugu hureen oo ay dhiiggooda noo hureen si dalka uu nabad u noqdo,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Sidoo kale, madaxweynaha ayaa yiri: “Muddadii ay ciidamada Brundi dalka ku sugnaayeen horumar ballaaran baa la sameeyay, Muqdisho oo kooxihii nabad-diidka laga saaray oo maanta Muqdisho ay ku tallaabsatay horumar baaxad leh. Sidoo kale gobollo fara badan ayaa gacanta Al-shabaab laga saran sida Marko, Baydhabo, Kismaayo, Jowhar, Beledweyn, Xudur, iyo goobo kale. Ciidamada Soomaaliyeed iyo AMISOM ayaa ku howlan sidii Al-shabaab looga saari lahaa goobaha ay joogaan oo shacabka loo gaarsiin lahaa faa’iidada nabadda. Waxaa mahad gaar ah leh ciidamada Burundi iyo kuwa kale ee noo soo gurmaday.”

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday: “Waxaan sii xoojin doonaa xiriirka labada dal, bacdamaa ay Soomaaliya sameynesyo horumar isuna diyaarineyso in dalka ay doorashooyin ka dhacaan sannadka 2016-ka. Waxaana mahad gaar ah u soo jeedineynaa dowladda Burundi iyo shacabkoodaba.”

Dhanka kale, madaxweynaha Burundi, Nkurunziza ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka Soomaaliya, isagoo ka dhawaajiyay in dowladdiisu ay si dhow ula shaqeyn doonto dowladda federaalka Soomaaliya, si nabadda iyo xasilloonida loosoo celiyo.

"Waxaan ku faraxsanahay inaan soo booqday Soomaaliya waqti muhiim u ah oo dowladda Soomaaliya dagaal kula jirto Al-shabaab iyo argagixisada. Dowladda Burundi oo safiir u soo magacowday Somalia taasoo caddeyn u ah inaan sii wadi doonno taageerada Soomaaliya, ciidamada AMISOM kuwaasoo joogay tan iyo sannadkii 2007-dii waxay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan nabad raadinta Soomaaliya," ayuu yiri madaxweynaha Burundi.

Madaxweynaha Burundi wuxuu sheegay in Soomaaliya uu u rajeynayo nabad iyo deggenaasho, isagoo xusay in dalkiisa uu soo maray dagaallo sokeeye, balse uu hadda ku naaloonayo nabad iyo hurmar, uuna rajeynayo in jidkaas oo kale ay marto Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Burundi ayaa intii uu joogay Muqdisho wuxuu hadal u jeediyay ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya, isagoo ku boorriyay inay qayb weyn ka qaataan nabad soo celinta Soomaaliya, isagoo ku ammaanay inay naftooda u hureen nabad raadinta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya