4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
Mucaaradka Koonfurta Sudan oo loo haysto Xasuuqa boqolaal qof oo rayid ah

Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) — Hogaamiyaha mucaaradka Koonfurta Suudaan Riek Machar ayaa waraysi uu siiyay Tv-ga Al-jazeera ku sheegay in ciidamadiisa  aysan wax lug  ah ku lahayn xasuuqa loogu gaystay dad shacab ah oo ku sugnaa masjid ku yaalla magaalada Bentiu.

"Waxaan la xiriiyay taliyaha ciidamadeena ee magaaladaas waxana uu ii sheegay in eedaymahaas ay been yihiin ,marka hore annaga waan ixtiraamaynaa dadkeena ,mana laynno shacabkeena 'ayuu yiri Machar oo arintan ka hadlayay.

Qaramada Midoobay war ka soo baxay ayaa lagu sheegay in kooxaha mucaaradka ah ay falkaas fuliyeen , ka dib markii ay dib u qabsadeen magaalada Bentiu,iyadoo guddi gaar ah oo arintan baara loo saaray.

Wasiirka arimaha dibadda Koonfruta Suudaan Barnaba Marial Benjamin ayaa isna sheegay in kooxaha mucaaradka ah ay dhacdadan ka danbeeyaan, isagoo ku tilmaamay wax aan loo dulqaadan karin laynta dad rayid ah .

"Isaga ayaa ka masuul ah falkan ,sababtoo kuwa fuliyay waa jabahaddiisa "ayuu yiri Benjamin oo sheegay in dowladda ay wax kasta samayn doonto si looga hortago xasuuqa ay magaalooyinka qaar ka gaysanayaan kooxaha mucaaradka ah.

Toby Lanzer oo ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan ayaa sheegay in maydad badan ay daad sanyihiin hareeraha waddooyinka magaalada uu xasuuqu ka dhacay ,isagoo xusay in uu socdo gurmada ballaaran oo dadka dhibaataysan lagu caawinayo.

"Erayo nacayb uu ka buuxo ayaa loo adeegsaday xasuuqii dhacay ,iyadoo kooxaha mucaaradka ay isticaamaalayeen idaacad FM ah oo magaalada ku taalla "ayuu ku soo qoray  Tobby bogga uu ku leeyahay Twitter-ka.

Ugu dambeyn, xaaladda Koonfurta Sudan ayaa ka sii daraysay ilaa iyo dhamaadka sanadkii hore ,waxaana weerarada inta badan soo qaadaya kooxo daacad ah u ah madaxweynihii hore e dalkaas Machar oo shaqada laga eryay bishii todobaad ee sanadkii 2013-ka

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]