4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
Madaxda Dowladda Soomaaliya oo ka Hadalay dilka Xildhibaan Afar-Indhood

Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia iyo ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay dilka xildhibaan C/casiis Isaaq Mursal maanta ay kooxo hubeysan ugu geysteen Muqdisho iyagoo ku tilmaamay fal lagu dhibaateynayo dadka wax-galka u ah bulshada Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa inaa Ilayhu Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaana tacsi u dirayaa qoyskii, baarlamaanka, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Marxuum C/casiis Isaaq oo ahaa mudane baarlamaan oo u adeegayay shacabka iyo dalkiisa. Samir iyo Iimaan EEBBE ha naga wada siiyo, isagana Janaddii fardowsa ALLAHA ka waraabiyo AAMIIN," ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa intaas ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladda uga go’an tahay inay sii wado la dagaalanka kooxaha nabad-diidka ah, mana loo hakinayo howlaha Qaranka ee muhiimka u ah shacabka.

“Kooxaha nabadda diiddan marnaba kuma guuleysanayaan argagaxa iyo dilalka qorsheysan oo ay la beegsanayaan shaqsiyaadka u adeegaya danaha shacabka Soomaaliyeed iyo dalka. Soomaali baa leh, waana ka gun-gaareynaa kooxahan diiddan nabadda iyo Soomaalinimada,” ayuu mar kale yiri madaxweynaha.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayuu yiri dilalkan noocan oo kale ah waa kuwo lagu dhibaateynayo dadka shacabka ah oo lagu dhibaateynayo xubnaha dowladda.

“Innaa Lilaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun, waxaan ka tacsiyeynayaa dilka maanta loo geystay xildhibaan C/casiis Isaaq Mursal oo gacan ka xaq-daran ku dishay Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii, ehelkii iyo ummaddii uu ka tegay xildhibaanku, waxaan Illaah uga baryayaa in uu Jannadiisa ka waraabiyo,” ayuu ra’iisul wasaaruhuna ku yiri qoraalkiisa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku daray: “Falalka aragaxisnimo nagama hor is-taagayaan xasilinta Somalia iyo halganka aan kusoo celinayno dowladnimada Soomaaliya. Dilalkan qorsheysan ma cabsi gelinayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.”

“Dowladdu waxay qaadaysaa tallaaba kasta oo ay ku sugeyso ammaanka dalka iyo muwaadiniinta. Kuwii ka dambeeyey falalkan guracan kama baxsan doonaan caddaaladda, waana la helayaa haddii alle idmo,” ayuu mar kale yiri Cabdiweli Sheekh.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Cabdiweli ayaa ku amray hay’adaha ammaanka iyo maamullada degmooyinka gobolka Banaadir inay xoojiyaan ammaanka, isla-markaasina ay baadi-goobaan dhagar-qabayaashii ka dameeyey dilalkii ugu dameeyey.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya