4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
Guddoomiyihii doorashooyinka Somliland oo iscasilay & mid kale oo la doortay

Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) — Gudoomiyihii Guddidda Doorashooyinka Somaliland Inj.Ciise Yuusuf Maxamed ayaa maanta xilkii gudoomiyenimo iska casilay, isla markaana ay xubnaha guddidaasi ka aqballeen is-casiladaasi.

Guddidda doorashooyinka ayaa markiiba gudoomiye cusub u doortay Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo hore u ahaa afhayeenka Komishanka doorashooyinka.

Guddoomiyaha iska ka iska casilay ayaa sheegay inuu arrimo shakhsi ah uga dagay xilkaasi, waxaana iscasiiladaasi iyo doorashadda gudoomiyaha cusuba lagu sheegay war-saxafadeed maanta ka soo baxay guddidaasi.

"Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22ka April,2014 waxa uu komishanka doorashooyinka qaranka la socodsiinayaa bulsho weynta reer Somaliland, xisbiyadda siyaasada, xukuumada iyo daneeyayaasha doorashoyinka in gudomiyihii komishanka doorashooyinka Ciise Yuusuf Maxmaed uu arrimo shakhsi ah awgeed codsaday inuu banneeyo jagada gudoomiyaha guddidaasi taas oo uu qoraal rasmi ah kaga codsaday xubnaha guddida bishan 20 kii April"ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay guddidaasi.

Waxaana intaas lagu daray " xubnaha guddidu waxay si wada jir ah uga aqbaleen in mudane Ciise Yuusuf Maxamed uu banneeyo jaga gudoomiyaha KDQ".

Sidoo kale, waxa qoraalkaasi lagu sheegay in guddida doorashooyinku shalayba u doorteen gudoomiye inuu noqdo Maxamed Axmed Xirsi Geelle. Si kastaba ha ahaatee, waxay toddobadda xubnood ee guddidaasi ka koobantahayba ka aqballeen is casiladaasi, waxaanay gudoomiye markiiba u doorteen gudoomiye cusub taas oo ay ku wada saxeexnaayeen.

Guddoomiyaha iscasilay iyo guddida doorashooyinku midkoobna ma cadeyn sababta keentay iscasilada,waxayse xuseen inay ku koobantahay inuu arrimo shakhsi ah isku casilay, haseyeshee waxa uu kaliya baneeyey gudoomiyenimada balse xubimaddii guddida kama aanu tagin ee wuu ka sii mid ahaanaya..

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland