4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
Xildhibaan kale oo Maanta lagu dilay Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegatay

Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) — Xildhibaan kale oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay Xaafadda Daba-kaayo-madow ee Muqdisho, iyadoo Al-shabaab ay sheegatay mas'uuliyadda dilka xildhibaankan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxaha dilay xildhibaanka oo bastoolado ku hubeysanaa ay gurigiisa ugu galeen gurigiisa ayna toogteen, iyagoo markaas kaddibna baxsaday.

Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray, C/casiis Isaaq Mursal (Afar-indhood), isagoo noqonaya xildhibaankii labaad oo Muqdisho lagu dilo muddo24-saac gudahood ah.

Wasaaradda ammaanka Qaranka ayaa sheegtay inay dad badan u soo qabtay dilka mudanaya, iyadoo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay cambaareeyeen dilka mudanayan.

Dilalka xildhiabaankan iyo kii shalay lagu dilay Muqdisho ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli xilli isbedel lagu sameeyay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, taas oo lagu sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho lagu adkeynayo.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay dayacday ilaalinta ammaanka xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, waxayna ka dalbadeen xukuumadda inay sharciga horkeeno kooxihii dilkay xildhibaannadan.

Wasaaradda amniga Qaranka oo ka hadashay dilka xildhibaankan ayaa sheegtay in loo soo qabtay dilka mudanaha manta lagu dilay Muqdisho saddex qof oo laga shakisan yahay lana baari doono.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka xildhibaankan inay ka dambeysay, iyadoo sidoo kale waxay sheegteen xildhibaan Riino oo isna shalay lagu dilay qarax ka dhacya Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya