4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
Ciidanka Itoobiya oo ku wajahan Daynuunaay iyo Askari lagu dilay Baydhabo

Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) — Ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladda Somaaliya ayaa saakay aaday deegaanka Daynuunaay ee duleedka Baydhabo, halkaasoo habeen hore ay la wareegeen xoogag taabacsan Al-shabaab.

Sidoo kale, askari ka tirsan ciidamada booliiska gobolka Bay ayaa xalay lagu dilay magaalada Baydhabo, iyadoo kooxaha dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, iyadoo dadka degmada Baydhabo ay isla dhexmarayaan in askariga la gowracay.

“AMISOM iyo ciidamada dowladda waxay saakay u ruuqaasadeen Daynuunaay oo ay ku sugan yihiin xoogagga Al-shabaab, waxaana laga baqdin qabaa inuu dagaal ka dhaco,” ayuu yiri wariyaha HOL ee Baydhabo.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa socod uga ambabaxay Baydhabo iyagoo ku wajahan deegaanka Daynuunaay oo dhinaca bari kaga beegan Baydhabo, halkaasoo ay weli ku sugan tahay Al-shabaab.

Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Baydhabo ay xaaladeedu daggan tahay saaka, balse aysan jirin cid ka bixi karta magaalada, maadaama ay ku sugan yihiin xoogag taabacsan Al-shabaab.

Askariga lagu dilay Baydhabo ayaa lagu magacaabi jiray, Aadan Karaaweey iyadoo ay kooxaha dilay kala baxeen gurigiisa. Waxaana tani ay imaanaysaa iyadoo ay Al-shabaab la wareegtay deegaanka Daynuunaay.

Wixii kasoo kordha xiisadda colaadeed ee ka taagan Daynuunaay waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii Alle idmo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya