4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
LAASCAANOOD: Gacan ku dhiiglayaal la Qabtay iyo Wariyeyaal lasii daayay

Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) — Shan wariye oo ku xirnaa xabsiga Laascaanood ee ayaa lasii daayay kaddib wadahadallo dheer, iyadoo booliiska magaalada ay sidoo kale sheegeen inay qabteen gacan ku dhiiglayaal dilay ruux rayid ah iyo askari kat irsan booliiska Laascaanood.

Suxufiyiintan oo lagu eedeeyay inay wax ka duubeen shir amniga lid ku ah ayaa  la isla gartay in la joojiyo oo aan la baahin, taasoo keentay sii daynta oo ay suxufyiin iyo waxgarad kale u kala dab-qaadayeen.

Wariyeyaasha ayaa u arka in xarigoodu yahay mid qaldan maadaama aanay ahayn kuwa shir waday, waxayna ku andacoonayaan in shirku ahaa shir beel u gaar ah oo ay aayahooda kaga tashanayeen.

Shir beeleedkan oo sida ay sheegeen qaar ka mid ah waxgaradkii kulmay ay ku sheegeen inuu ahaa mid ay kalsoonida kala laabanayeen Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo dhawaanta Hargeysa ka dagay heshiisna la galay Somaliland taasoo ay ku eedaynayaan inaanay la ogeyn.

Guddoomiyaha gobolka Sool, Maxamed Faarax Aadan ayaa dhexdhexaadiyeyaashii u sheegay inay doonayaan in marka uu garaadku soo gaaro gobolka Sool ay waxay rabaan kula kacaan; balse ay dhawraan xushmaddiisa inta aanu soo gaarin.

Dhanka kale, falal dil ah oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolk Sool ayay ciidanka booliisku ku guuleysteen inay qabtaan kuwii ka dambeeyay falalkaas oo kala dhacay habeen hore iyo shalay.

Taliyaha booliiska gobolka Sool, C/raxmaan Nuur Colhaye uu markii u horreysay ka hadlay arrintan ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen nin gacan ku dhiigle ah oo dilay marxuun ay ka wada-shaqeyn jireen goob maqaaxi ah.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in sidoo kale shalay lagu dilay Laascaanood askari ka tirsan ciidanka booliiska oo lagu magcaabi jiray, C/qani Jaamac Saalax goob aan ka fogeyn xarunta booliiska gobolka Sool, wuxuuna xusay Col-haye in goobtii ay ku qabteen gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay.

Labadan dhacdo ayaa noqonaya dhacdooyinkii ugu horreeyay oo boolisku ku guulaystaan soo qabashadooda, mana jirto wax raad colaadeed muujinaya oo ka muuqda magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool