4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
JEN. BASHIIR GOOBE: “Caqabado ayaa naga haysta baarista dambiilayaasha”

Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) — Agaasimaha hay'adda Nabadsugidda Qaranka, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) ayaa sheegay in caqabado ay kala kulmaan dad mas'uuliyiin ah oo ka tirsan dowladda marka howlgalo lagu soo qabto dad la tuhmayo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Taliyaha nabadsugidda ayaa hadalkan ka sheegay shirka looga hadlayo ammaanka ee ka socda hoteelka Jasiira ee Muqdisho, isagoo xusay in dhibaatada ugu badan ay ku qabaan dad xilal haya dowladda oo agtooda maamuus ka leh, kuwaasoo ka dal-bada in loo daayo dad dambiyo kala duwan lagu soo qabqabtay.

"Markii la soo qabto kii bamka tuuray, ama walxaha qarxa diyaarinayay ama kuwa dhaqaalaha siiya waxaa ka daba-yimaada mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo aanan doonayn inaan halkan magacyadooda ka sheego," ayuu yiri agaasimuhu.

Sidoo kale, agaasimaha ayaa sheegay in mas’uuliyiintaas dowladda ka tirsan ay ku saaraan culeys inay sii daayaan dambiilayaashaas lasoo qabtay, isagoo xusay inay adag tahay inay baaritaanno ku sameeyaan ruuxa ay soo qabtaan, maadaama ay mar walba eheladooda daba socdaan.

"Annagoo aanan wax baaritaanno ah ku sameyn dadka lasoo qabtay ayaa waxaa ka daba-imaanaya mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, waxayna nagu cadaadiyaan inaan sii deyno iyagoo nagu leh wax dambi ah ma lahan; taasoo caqabad ku ah sugidda ammaanka Muqdisho,” ayuu yiri Jen. Bashiir Goobbe.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya oo isaguna ka hadlayay furitaankii shirka amniga looga hadlayo ayaa sheegay inay jiraan wasiirro iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan oo marka qof lagu tuhmayo inuu Al-shabaab ka tirsan yahay lasoo qabto ka daba-taga si ay u sii daayaan.

Madaxweynaha ayaa dalbaday in hay’adaha ammaanka loo madax-banneeyo inay baaritaanno ku sameeyaan cid walba oo laga shakisan yahay, inta uu baaritaanka socdana aan la daba-gelin.

Hadlaka Jen. Bashiir Goobbe ayaa kusoo beegmaya iyadoo madaxda dowladdu ay dhowr jeer oo hore arrintan uga digeen, inkastoo ay weli jiraan in madax dowladda ka tirsan ay ka daba-tagaan dadka loo qabto falal dambiyeedyada Muqdisho ka dhaca.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya