4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 22, 2014
Kooxo Hubeysan oo wariye ku toogtay Muqdisho iyo NUSOJ oo Cambaareysay

Talaado, Abriil 22, 2014 (HOL) — Wariye ka tirsanaa idaacadda Dalsan FM oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho ayaa shalay gellinkii dambe lagu toogtay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo toogashadiisa ay geysteen rag ku hubeysan bastoolado.

Marxmuum Maxamed Cumar Maxamed (Camaar), ayaa la sheegay inay kooxaha hubeysan dhowr jeer toogteen, taasoo keentay inuu dhinto, wuxuuna maalmo yar la shaqeynayay idaacadda Dalsan oo uu u qaabilsanaa dhianca suuq-geynta.

Sababta ka dabeysa dilka wariyaha ayaan weli la ogeyn, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay inay ma’suul ka tahay qaarijinta wariyahan, iyadoo sannadkan uu yahay kii ugu dhimashada yaraa suxuufiyiinta Soomaalida.

Ururka suxusiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay fawlkan, iyagoo ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay baaritaanno deg-deg ah sameyso ayna cadaaladda horkeento dambiilayaashii ka dambeeyay falkan.

Xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Bakistaan ayaa sheegay in kuwa ka dambeeya dilalka wariyeyaasha aysan ka baxsanayn cadaaladda, saxaafadduna ay sii shaqeyn doonto.

Dilka wariyahan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli hay’adda CPJ ay sheegtay in weli Soomaaliya ay ka jiraan falal ka dhan ah ammaanka wariyeyaasha, inkastoo ay sheegtay in sannadkan uu hoos u dhacay ugaarsiga wariyeyaasha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya