4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2014
Al-shabaab oo la Wareegtay Deegaanka Daynaanaay oo ku dhow Baydhabo

Isniin, Abriil 21, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa la wareegtay xerada ugu wayn ee ciidamada milateriga qaybta 60-aad ee xoogga dalka, waxayna hadda Baydhabo u jiraan 200-km oo keliya.

Ciidamada dowlada ee laga qabsaday deegaanka Daynuunaay ayaa waxay aadeen dhinaca degmada Buur-hakabo ee gobolka Bay, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay in ay si nabadgalyo ah kula wareegeen deegaankaas.

Xoogagga Al-shabaab ayaa kusoo qul-qulaya daafaha magaalada iyadoo maanta ay soo gaareen agagaarka suuqa xoolaha Baydhabo  iyo deegaanka Abu-asharoow oo 5-km u jira degmada Baydhabo.

Ciidamada amniga iyo booliiska Baydhabo ayaa waxay magaalada ka qab-qabteen dhallinyaro tiro badan, kuwaasoo loo taxaabay saldhiga Baydhabo, iyadoo weli ay ka socoto Baydhabo qab-qabashada dadka looga shakisan yahay inay gacan-saarka la leeyihiin Al-shabaab.

Degmada Baydhabo ayaa maanta waxaa ka jiray shirar kala duwan ay yeesheen mas’uuliyiinta gobalka, kuwa degmada, ciidamada AMISOM iyo maamul Koonfur-galbeed, kuwaasoo ku saabsanaa amniga iyo xaaladaha kusoo kordhay gobolka.

Hiiraan Online, Baydhabo