4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2014
Ciidammo ka goostay Somaliland oo Maanta isku dhiibay Maamulka Puntland


Isniin, Abriil 21, 2014 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa sheegtay maanta inay isku soo dhiibeen tiro ka tirsan ciidamada Somaliland, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 60-askari oo watay hubkooda.

Guddoomiyaha degmada Carmo ee gobolka Bari, Ibraahim Shire ayaa sheegay in ciidamadan ay xiriir lasoo sameeyeen, waxayna ahaayeen 60-askari oo wata hubkooda, Puntland ayayna soo galeen.

“Ciidamadan waxaa saldhig u ahayd gobolka Sanaag, halkaasoo ah deegaan ay ku muransan yihiin maamullada Puntland iyo Somaliland,” ayuu yiri Shire oo aan sheegin qorshaha dowladda ee ku aaddan ciidamadan u soo goostay Puntland.

Mid ka mid ah ciidamada kasoo goostay Somaliland ee galay Puntland ayaa u sheegay warbaahinta in maamulka Somaliland ay amar ku siiyeen inay dilaan dadkooda, iyaguna ay go’aansadeen inay soo galaan Puntland.

“Waxaanu ahayn ciidammo aad u hubeysan, waxaa nala siiyay amar ahaa inaan dadkeenna dilno, innaguna taas waan diidnay, markaas kaddibna waxaanu ku  gaarnay go’aan inaan soo goosanno,” ayuu yiri askarigan ka tirsan ciidamada soo goostay.

Arritan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhawaan ay ciidamada Somaliland qabsadeen degmada Taleex oo xarun u ah maamulka Khaatumo, inkastoo ay isaga baxeen maalin kaddib.

Sidoo kale, waxay goosashada ciidamada Somaliland ee maanta ay imaanaysaa iyadoo bishii lasoo dhaafay uu madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo iyo wafdi uu hoggaaminayo ay booqdeen degmada Laasqoray, degmadaas oo ka mid ah kuwa ay ku muran yihiin Puntland iyo Somaliland.

Ma jiro hadal weli kasoo baxay maamulka Somaliland oo ku saabsan ciidamada maanta ka goostay dhinacooda ee galay Puntland, iyadoo aysan tani ahayn markii ugu horreysay oo ciidammo ka goostay Somaliland ay galaan Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya