4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2014
Al-shabaab oo sheegatay Qarax lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka

Isniin, Abriil 21, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab sheegatay mas'uuliyadda qarax maanta lagu dilay xildhibaan Isaaq Maxamed Riino ayna ku dhaawacmeen xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux iyo laba qof oo shacab ah, kaasoo ka dhacay degmada Xamar-weyne.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-shabaab u sheegay in ciidamadooda ka howlgala Muqdisho ay dilkaas fuliyeen, iyadoo saraakiishu ay sheegeen in weerarka lagu dilay xildhibaanka uu ahaa mid qorshaysan.

Al-shabaab ayaa dagaal kula jirta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM. Iyadoo sheegashada Al-shabaab imaanayso xilli ay madaxda dowladda Soomaaliya amar ku bixiyeen in baaritaan lagu falka.

Qaraxa lagu dilay xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ahayn kii ugu horreeyay oo Muqdisho ka dhaca ayaa wuxuu haddana kusoo beegmayaa xilli uu Muqdisho ka socdo shir looga hadlayo ammaanka dalka.

Xarakada Al-shabaab oo deegaanno badan oo ay ka talin jirtay looga qabsaday howlgallo ay gobollada dalka qaarkood ka wadaan ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa weli sii wada qaraxyada ay ka geysanayso Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya