4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2014
Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo cambaareeyay Qaraxii Maanta lagu dilay Xildhibaan Isaaq Maxamed Riino

Isniin, Abriil 21, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyay mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dilay qarax ka dhacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku qaraxaas ku tilmaamay fal argagaxiso oo fool xun.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya, Danjire Nikolaas Kay ayaa cambaareeyey dilka loo geystay, Isaaq Maxamed Riino. Dilka mudanaha kaddib ayay dowladda Soomaaliya ku baaqday in si buuxda loo baaro arrinta, dambiilayaashana la hor keeno cadaaladda.

“Waxaan si xoog leh u cambaareeynayaa dilkan. Waa in si buuxda loo baaraa falkan, dambiilayaashana si dhaqso ah loo hor keeno cadaaladda,” ayuu yiri danjire Kay.

Sidoo kale, Kay ayaa u diray tacsi qoyskii iyo saaxiibadii uu ka geeryooday Riino, isagoo sidoo kale u rajeeyey xildhibaankii qaraxa ku dhaawacmay Maxamed Cali iyo dadkii kale ee rayidka ahaa in si dhaqso ah u biskoodaan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, dajire Maxamed Saalax Anaadiif ayuu ku sheegay inuu si adag u cambaareynayo qaraxaas, isagoo ku baaqay in baaritaan dhaqso ah lagu sameeyo qaraxan.

“Xubnaha baarlamaanku waxay matalaan shacabka Soomaaliyeed weerar kasta oo lala beegsadana waa weerar loo geystay shacabka, wax la aqbali karana ma ahan. AMISOM waxay sii wadi doontaa taageeradeeda dadaalkeeda ku aaddan la dagaalanka xag-jirnimada ee ay waddo dowladda Soomaaliya,” ayuu Anaadiif ku yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn, wuxuu tacsi u diray dhammaan xildhibaannada baarlamaanka iyo qoyskii uu ka geeriyooday xildhibaan Isaaq Riino, isagoo u rajeeyay xildhibaan Maxamuud Cali.

Marxuum Isaaq Maxamed Riino ayaa lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray oo ay sheegatay mas’uuliyaddiisa Al-shabaab, iyadoo sidoo kalena uu dhaawac ka soo gaaray xildhihbaan kale iyo laba qof oo shacab ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya