4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2014
Danjirayaal u dhashay Dalka Sierra Leone oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus Ohio (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 21, 2014 (HOL) — Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus ayaa kulan la qaadatay masuuliyiin ka socota dalka Sierra Leone, kuwaas oo ay jaaliyada isla soo qaadeen xariirka labada dal iyo sida jaaliyadaha labada dhinac ee ohio ay u yihiin kuwo leh xariir dhow.

Safiirka wadankan Maraykanka u fadhiya dowlada Sierra Leone Ibrahim Conteh iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Ambassador Umaru Wurie oo 26 dal ka soo noqday safiir iminkana ah Safiir Guud oo saldhigiisu yahay magaalada Freetown ee dalka Sierra Leone, iyo xubno kale oo ka socday jaaliyada dalkaasi ee ku nool Columbus ayaa waxa ay si weyn u amaaneen jaaliyadaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan, iyaga oo xusay in xariir dhow ay la leeyihiin Soomaalida oo ah dad ay aad isku fahmaan.

Labadan masuul ayaa waxa ay jaaliyada Soomaaliyeed ka dhagaysteen fariimo ay u farayeen Ciidamada  Sierra Leone ee ku sugan dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan Jubbada Hoose.

Nabaddoon Maxamuud Barre Warsame (Fanax) ayaa uga mahadceliyay sida ay Masuuliyiintani u aqbaleen in ay kulan la qaataan jaaliyada Soomaaliyeed ee Columbus iyo in ka dhagaystaan warbixino iyo fariimo ay u gudbinayaan dowlada ay masuuliyiintani ka socdeen.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Fanax ayaa si guud u sharaxay marxalada guudo ee goobaha ay ciidmada Sierra Leone ku suganyihiin iyo sida ay u kala duwanyihiin ciidamada AMISOM ee ku sugan Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo, isaga oo xusay in dhibaatooyin ka dhacay Jubbooyinka aysan marnaba ka qeyb qaadan ciidamadaasi kuna amaanayaan.

Nabadoon Xaashi Ali Mire oo ka mid ah nabadoonada u dhashay Jubbooyinka ayaa waxa uu amaanay doorka ay ciidamadoodu ka qaateen nabadaynta Soomaaliya iyo sida ay uga dhoowrsadeen in ay shacabka deegaanadaasi ka sheegtaan wax dhibaataa iyaga oo dhex dhexaad ka noqday arimaha qalafsan ee Jubbooyinka oo lagu dhaliilay Ciidamada AMISOM qaarkood in ay ka qeyb qaateen xasaradaha ka taagan Jubbooyinka.

Waxaa qadar yar kadib hadalka u soo istaagay Safiirka Sierra Leone u jooga USA waxa uuna amaanay Soomaalida isaga oo uga mahadceliyay sida ay ugu diyaarsanyihiin sidii dalkooda nabad looga dhalin lahaa iyo in ay ka amaan sheeganayaan ciidamada Dalkiisa ee jooga Soomaaliya.

"Hadaladiinu waxa ay taabteen qalbigayga waan ku faraxsanahay in aad ka amaan sheegataan ciidamadeena, waana ku faraxsanahay, waxaan aad uga xumahay in ciidamo loo diray Nabad ilaalin hadana African ah oo walaaleheen ah aad ka cabataan waxaana isku dayi doonaa inaga oo kaashanayna Dowlada Somalia in aan arintaas xal u raadino intii karaankeen ah" ayuu yiri Safiirka oo intaa raaciyay in ay sii xoojin doonaan in ciidamadooda aan wax dhibaataa shacabka ka gaarin.

Danjire Umaru Wurie ayaa Waxa uu Jaaliyada ka gudoomay dhanbaal qoraal ah oo ay Dowladiisa u direen isaga oo balan qaaday xiliga xiligiisa gale in uu gaarsiin doono dowladiisa.

Waxay kula dar daarmeen jaaliyada Soomaalida in ay ka qeyb qataan xal u helida mushkilada dalka Soomaaliya oo sida uu xusay ay dowladiisu dareemi karto waxa ka socda maadama dalkooda uu mudo ku dhow 11 sano dagaalo sokeeye ka soconayeen iminkana ay Nabad ku Daanshoonayaan.

Ugu danbayn si guud ayay ugu duceeyeen dalka Soomaaliya in eebe uu nabad iyo is fahan dhex dhigo bulshadiisa. Abdi Kheyr Soofe ayaa labada masuul gudoonsiiyay hadiyad qaaliya oo ka tarjumaysa Hidaha iyo dhaqanka Africa taas oo ay si weyn ugu farxeen.

Sierra Leone waxa ay ka mid tahay wadamada ciidamadoodu ay Soomaaliya u joogaan nabad ilaalinta gaar ahaan Jubbada Hoose.

Deeqo Shire (SONNA)
[email protected]