4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2014
RA’IISUL WASAARAHA: “Caddaladda Waa in la gaarsiiyaa Goboblada Dalka, lana dadajiyo dib habaynta shuruucda Garsoorka” (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 21, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta xarunta wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka  ka furay siminnaar aqoon kororsi ah oo loo qabanayey shaqaalaha wasaaradda, kaasoo ay kasoo qaybgaleen kaabayaasha garsoorka, sida ciidamada asluubta, garyaqaanada, nootaayooninka iyo garsoorayaal.

Wasiir ku xigeenka caddaaladda iyo dastuurka Cabdullahi Bille Nuur ayaa ugu horreyntii ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay siminaarkaan shaqaalaha si kor loogu qaado xirfadda shaqaalaha, waxaana wasaaraddu diyaarisay qaab dhismeed uu shaqaalaha wasaaraddu ku dhisan yahay si loo hormariyo habsami u socodka shaqada wasaaradda, qof walbana lagula xisaabtamo shaqadiisa.

Sidoo kale, wasiirka caddaaladda iyo dastuurka, Faarax Sheekh Cabdulqadir ayaa dhankiisa sheegay in culays weyn uu ka jiro dhanka garsoorka, ayna jirto baahiyo badan oo shacabku u qabaan inay helaan garsoor cadaalad ku dhisan.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


“Labadii bilood ee ugu dambeeyay wasaaraddu waxay ku howlanayd sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha iyo diyaarinta agabkii ay ku howl gali lahaayeen, waxaana wasaaraddu markii ugu horaysay muddooyinkii ugu dambeeyey dib u dhis ku samaysay iyo qalabayn xafiisyadii wasaaraddu lahayd. Garsoorka waxaa naga haysta culays faro badan oo ka imanaya bulshada qaybaheeda kala duwan, xalna looma heli karo haddii aan la siin tababarro shaqaalaha wasaaradda,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo dastuurka

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Cabdiwali ayaa sheegay in baahida ugu weyn oo ay maanta qabaan shacabka Soomaaliyeed ay tahay sidii muwaadin kasta u heli lahaa garsoor ku dhisan caddaalad.

“Ahmiyada caddaladdu u leedahay bulshada waa mid ku dhisan noloshooda, waa mid qayb weyn ka qaadan karta nabadgalyada, horumarka dhaqaalaha iyo kalsoonida bulshad dhexdeeda, haddii garsoor la waayo waxaa hubaal ah in sida loo kala xoog badan yahay la isku muquuniyo, si aan uga baxno dhibaatooyinka dalka la degay waxaa laga maar maan ah in cadaaladdii dib loo soo celiyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdiwali.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in caddaaladu ay kor u qaadayso kalsoonida ay shacabku ku qabaan dowladnimada, loona baahan yahay dadka ku howlan arrimaha caddaaladda in la tayeeyo aqoontooda is loo helo garsoor ku dhisan caddaaladda, waana inaan dhexda u xiranaa sidii aan u heli lahayn garsoor hufan oo dadku ku kal soonaan karo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya