4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2014
Xukuumada Somaliland oo ka warbixisay Maxaabiis ka fakatay jeelka Hargeysa

Isniin, Abriil 21, 2014 (HOL) — Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay inay baadhayaan sababtii maxaabiistu u heleen Baastooladdihii ay ku dileen Askariga kuwa kalana ku dhaawaceen.

Wasiirku waxa uu sheegay inay jiraan rag ay arrintaasi ku tuhmayaan inay ku lug leeyihiin oo ay u xidheen, isla markaana baadhitaanku uu wali socdo.

"Maxaabiis dambiyo culus lagu hayo ayaa isku dayey inay baxsadaan, iyagoo ku beegay wakhti cagtu kala go'day oo kulayl ah, isla markaana laga soo saaray qolkii ay ku jireen albaabada dhexena soo dhaafay kii dibaddana askarigii joogay ku dillay, haseyeeshee askartii gaadhka shishe haysay ayaa ku dagaalantay oo dhamaantooda soo wada qabatay"ayuu yidhi wasiir Caydiid oo ka hadlayey maxabiista isku dayday inay baxsato ee la soo qabtay.

Wasiirka oo tilmaamay in Baastoolado gudaha loogu geeyey ayaa yidhi: "Waxaana gudaha loogu geeyey baaskoolada waxaana u geeyey nin inta ilaa imika la hubo ay adeeg sanayeen, tiradooduna ilaa afar ayaa uu ahaa saacadaas laga soo furay qolkii ay ku xidhnaayeen iyada oo la leeyahay biyo ayey dhaansanayaan, waxaana soo qabanay dad lagu tuhmayo inay gacansiiyeen,waxaana socota Baadhis lagu waddo siday wax u dhaceen".

Waxaanu intaas ku daray "Waxa nasiib wanaag ah maxaabiistii dibada duwada baxday inaanu midna maqnayey oo dhamaan gacanta lagu wada dhigay iyo dad loo Tuhun sanyahay in ay dibada kala shaqaynayeen inta gacanta lagu dhigay wixii tuhun galay ee ciidanka ahna ilaa hada qaar ayey baadhistu ku socotaa hawl gal kolay baadhistiisu bilaabatay ayaa hada la wadaa kolay hadaan maanta la lahayn intii ay maxaabiistu hawl gal ka fuliyeen gudaha xabsiga ayey ku nabada galeen waa ilaahay mahadii hadaanu dhamaan gacanta kuwada dhignay hawl galkiina sidaas ayaa loo dhiciseeyey oo looga hor tagay baadhistiin gacanta ayaa lagu hayaa, waxaana tacsi u dirayaa ehelkii iyo qaraabadii askarigii ku dhintay,labadda askari ee dhaawaca ahna ilaahay waxaan ka baryeyaa inuu caafimaad siiyo"

Inkastoo wasiirku sheegay inay hal askari geeriyooday laba kalana dhaawacmeen, haseyeeshee cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa noo xaqiijiyey in dhaawaca askartu gaadhayso afar qof, kuwaas oo meelo kala duwan ka dhaawacmay, balse dhaawacoogu fudud yahay.

Dadweynaha Somaliland ayaa hadal hayey, isla markaana is waydiinaya sababta maxaabiistu hubka u heshay, inkastoo dadweynuhu qayb ka qaateen qabashadda maxaabiista.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland