4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2014
Maxkamadda ICC oo dalbatay in lasoo gudbiyo Dhaqaalaha Uhuru Keyatta

Isniin, Abriil 21, 2014 (HOL) — Maxkamadda danbiyada  caalamiga ah ee ICC ayaa ka dalbatay dowladda Kenya in muddo laba asbuuc gudaheed ah lagu soo gudbiyo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaale ee madaxweyne Uhuru Kenyatta oo loo haysto eedaymo dhowr ah.

Waxaa inta badan eedaymahan ay la xiriiraan kaalintii  uu madaxweyne Uhuru ka gaystay rabshadihii dadka badan ay ku dhinteen ee dalkaas ka dhacay sanaddii 2007-dii, markaasoo la isku khilaafay doorashadii xiligaa la qabtay.

"Maxkamaddu waxey caddaynaysaa in arbacadii la soo dhaafay  waraaq ka soo baxday xafiiska  xeer-ilaalinta  ICC loo diray Kenya si warbixin looga keeno dhaqaalaha Kenyatta "ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maxkamadda.

Ilo lagu kalsoonayahay ayaa caddeeyay in dowladda ay heshay waraaqdan, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda la gudbiyo dalabka ICC  ee ku aadan ganacsiyada madaxweyne Kenyatta sida akoonyada  uu ku leeyahay bangiyada ,iyo shirkadaha isaga hoos taga.

"Dowlada  waxey si rasmi ah uu eegi doonta codsiga maxkmadda, waana ku wargalin doonnna mudada ay qabsadeen ,si looga hortago eedaymaha loo haysto madaxweyne Uhuru"ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda Kenya.

Ugu danbayntii dhawaan ayey ahayd markii ay ICC dib u dhigtay maxkamadaynta madaxweyne Kenyatta ilaa iyo todobada bisha 10-aad ee sanadkan ,waxaana lagu wadaa in Kenya ay la imaato cadaymo ay ku diidayaan eedamaha loo haysto madaxda ugu saraysa wadanka oo uu ku jiro madaxweyne ku xigeenka dalkaas  William Ruto.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]