4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2014
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu dilay Qarax gaarigiisa loogu xiray


Isniin, Abriil 21, 2014 (HOL) — Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino) ayaa ku dhintay qaraxa gaarigiisa loogu xiray, iyadoo uu ku dhaawacmay qaraxan xildhibaan kale oo lagu magacaabo, Maxamuud Cali Dhuux iyo laba qof oo rayid ah.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamarweyne, C/qaadir Maxamed C/qaadir oo goobta soo gaaray ayaa sheegay in gaariga xildhibaanka xalay lagu xiray qaraxa sababay dhimashadiisa iyo dhaawaca saddex qof oo uu midkood ahaa mudane.

“Allaha u naxariistee xildhibaan Riino ayaa ku dhintay qarax gaarigiisa loogu xiray, waxaana ku dhaawacmay xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux iyo laba qof oo shacab ah oo midkood uu ganacsade ahaa,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamarweyne.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Xamar-weyne ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno ku saabsan sidii loo soo qaban lahaa kooxihii ka dambeeyay dilka xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacsiyeeyay geerida mudanaha, iyagoo Alle uga baryay inuu u naxariisto, sidoo kalena xildhibaanka dhaawacmay uu deg-deg u caafiyo.

Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: “"Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaana tacsi u dirayaa qoyskii, baarlamaanka, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid marxuum Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo ahaa mudane baarlamaan oo u adeegayey shacabka iyo dalkiisa. Samir iyo Iimaan EEBBE ha naga wada siiyo, isagana Janaddii fardowsa ALLAHA ka waraabiyo. AAMIIN."

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Somalia oo isla arrintan ka hadlay ayaa isagana yiri: “Waxaan cambaareynayaa weerarkii lagu dilay xildhibaankan u adeegayay ummadda Soomaaliyeed. Waa fal dhiigya-cabnimo oo ka tarjumaya afkaarta gurracan ee lagu banaysanayo dhiigga dadka Soomaaliyeed.” Isagoo intaas ku daray in kuwii geystay falkan iyo kuwii kale ee ka horreeyay oo dad qaali ah lagu dilay iyaguna inay dhammaan doonaan.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa yiri: “Weerarkan fuleynimada ah wax saamayn ah kuma yeelanayo dadaallada iyo horumarka ka socda dalka oo dhan. waan heli doonaa dambiilayaashii ka dameeyay waana ciqaabi doonaa.”

Ma ahan markii ugu horreysay oo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia lagu dilo qarax gaarigiisa loogu xiray, iyadoo la xusuusto in sannadkii hore sidan oo kale lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray xildhibaan Faysal oo baarlamaanka ka tirsanaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya