4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2014
Suldaankii Beesha Sheekhaal ee Jubooyinka oo Kismaayo lagu dilay
Isniin, Abriil 21, 2014 (HOL) — Kooxo hubeeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa toogasho ku dilay AUN Suldaankii Beesha Sheekhaal ee Jubooyinka Suldaan Caamir Cabdi Dhuux.

Suldaanka ayay kooxo hubeeysan ku toogteen isgoyska Balcadka ee xaafadda Shaqaalaha oo ah goob aad u mashquul badan, iyadoo kooxaha dilka geeystay ay durbaba goobta isaga baxsadeen.

Qadar daqiiqado ah kadib ayaa waxa goobta gaaray ciidamada ammaanka maamulka Jubba, waxayna halkaasi ka bilaabeen howlgallo baaritaanno ah.

Suldaankan ayaa kamid ahaa salaadiinta caanka ah ee gobolladan Jubooyinka, wuxuuna kamid ahaa odoyaashii ka qeybqaatay dhismaha maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe.

Dilkan ayaa saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee suuqa balcadka, waxaana mar qura la xiray suuqa balcadka iyo guud ahaan goobihii ganacsi ee ku yaallay suuqa Imbultooriyo oo ku dhow halka uu shilku ka dhacay.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo 24, bishii aynu kazoo gudubnay ay sidan oo kale kooxo hubeeysan gudaha magaalada Kismaayo ugu toogteen Ugaaskii beesha Cawramale Ugaas Max’ed Xuseen Hafoow.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.