4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2014
Kooxda Kubadda Cagta ee Hilaac Columbus oo mar kale ku guuleystay Koobkii xagaaga ee sannadkan (SAWIRO)


Isniin, Abriil 21, 20014 (HOL) Cayaaraha Xagaaga ee kubada cagta  oo ah kuwo sanad walba la qabto waxaa Sanadkii  14aad lagu qabtay markale magaalada Columbus ohio  oo ah magaalada 2aad ee ugu Soomaalida badan dalka Maraykanka.

Ciyaarahan oo soconayay mudo 3 maalmood ah ahna kuwo lagu qabto Garoomada dadan ee loo yaqaan (Indoor-ka) waxaa  sanadkan 2014 -ka  ka soo qayb galay inka badan 30 Kooxood oo isugu jira, Ciyaartooyda waaweyn, Kuwa ka yar 14ka sano, 12ka sano, iyo Ciyaartooyda cuslaatay oo ah ciyaaryahano hore, kuwaas oo ka kala yimid Gobolada dalka Maraykanka Iyo Canada.

Ciyaarahan oo si isku dhex jir ah u soconayay ayaa waxaa kama danbaysta 4ta ee semi-final- ka  isugu soo haray naadiyada Hilaac Ohio, Eagles Ohio, Twin City Minnesota, iyo Koox ka socotay  Seatle.

 

 

Kooxahan oo soo bandhigay ciyaar wanaag soo jiitay taageerayaasha iyo dadkii ka soo qeyb galay ayaa waxaa ciyaartii kama danbaysta ee Final-ka  isugu soo haray 2da  koox ee kala ah, Fc-Hilaac oo ka socotay magaaladan Columbus Ohio, iyo Kooxda gobolka Seatle, ayadoo ay koox waliba isu diyaarisay sidii ay u hanan lahayd koobka sanadkan 2014ka.

 

Hasa ahaatee Taageerayaal badan ayaa afkaaro kala duwan ka muujinayay cida ay u saadaalinayaan in ay ku guulatsan doonto koobkan

 

Ciyaarta oo ahayd weerar iyo weerar celis waxaa garab socday sawaxanka Taageerayaasha, iyo Tilmaamaha macalimiinta labada koox ayada oo ugu danbayn ay Guusha hanashada koobku raacday Kooxda Fc Hilaac Ohio oo u awood sheegatay kooxdii ka socotay Seatle Washiton oo ayaga laf ahaantoodu ahaa Koox aad u adag oo ay dadka qaarkood u saadaalinayeen in ay la hoyan doonto guusha  koobka 2014-ka.

 

Markii ay ciyaartoo soo gabo gaboowday ayaa waxaa biloowday Munaasabad koobab & Bilado kala duwan  lagu gudoonsiiyay shaqsiyaad iyo labadii koox ee finelka isugu soo haray, yadoo Kooxda Hilaac ay gudoontay Koobkii xagaaga ee kubada cagta sanadka 2014 ka.

 

Koobabka iyo biladaha oo ay bixinayeen rag taariikh ku leh Kubada cagta ee Soomaaliya  ayaa waxaa la siiyay Macalinkii ugu wanaagsanaa C/siis Mahdi Maxamed oo ah Tababaraha Kooxda Muqdisho oo ka socotay Gobolka Tenesee, Axmed Cali oo u ciyaaray Kooxda koobka hanatay ee Hilaac ayaa qaatay bilada Ciyaartoygii ugu fiicnaa,halka abaal marinta  dhanka Gool dhalinta uu qaatay Abdiweli Zegler oo  u ciyaarayay Kooxdii ka socotay Seatle Washington isagoo dhaliyay 17 Gool,ayadoo bilad sharafta Goolhayihii ugu fiicanaa uu helay C/risaaq oo u saftay Naadiga TMT.

 

Waxaa dhinaca ciyaaraha dhalinta ay da,doodu ka yar tahay 14 sano iyo 12 sano oo kama dambeystii ay isu soo hareen kooxo ka kala socday Goblkan Ohio iyo magaalada Toronto  ku guuleystay Kooxihii ka socday Magaalada Toronto ee dalka Canada kuwaas oo ku ciyaarayay magaca Afro Canada Club,halka Koobka ciyaartoyda cuslaatay ay ku guuleystay Kooxda Odayaasha ee Columbus Ohio.

Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay barnaamijkaan ciyaaraha kubada cagta Rugcadaayo usoo ciyaaray xulkii qaranka soomaaliyeed iyo kooxihii kala duwanaa ee bari samaadka kuwaas oo ay ka mid ahayeen,  Macalin tuke, Qarindi, Macalin soodaani Muqtaar cuti iyo kuwo kale.

 

Howl wadeenada Ciyaarahan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa sheegay in ujeedada laga leeyahay ay tahay isku xirnaanta iyo isdhexgalka bulsho weynta soomaliyeed iyo sidii dhalinyarada looga ilaalin lahaa in ay waqtigooda galiyaan waxyaabo kale oo aan u wanaagsanayn.

 

Deeqo Shire (SONNA)

[email protected]