4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2014
Danjire Turan oo ka Warbixiyay Farqiga u dhexeeya Ha’yadaha Turkiga iyo...

Isniin, Abriil 21, 2014 (HOL) — Danjiraha Turkiga u jooga Soomaaliya, Kamaaludiin Kani Torun ayaa sheegay in farqi weyn uu u dhexeeyo hay’adaha Turkiga ee dalka Soomaaliya ka howlgala iyo kuwa caalamiga ah oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobay.

Safiirka ayaa farqiga ku tilmaamay in ha’yadaha Turkiga ay go’aansadeen inay gudaha Soomaaliya ka howlgalaa intii ay xafiisyo ku sameysan lahaayeen Nairobi, taasina ay tahay tan sababtay in waxqabadkooda uu noqdo mid ka badan kuwa kale ee caalamka.

“Waxaan go’aannsannay in ha’yadaheenna ay halkan ka shaqeeyaan, halkii xafiisyo ay ka furan lahaayeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya," ayuu yiri danjiraha oo wareysi siinayay VOA-da.

Kani Torun ayaa sheegay in hawlaha gargaarka iyo horumarinta ah ee Turkigu uu bixiyay ay gaarayaan 350-milyan oo doollarka Mareykanka ah, ayna ka go’an tahay inay sii wadaan gargaarka ay u fidinayaan Soomaaliya.

"Hay'adaha bani'aadamnimada ee caalamiga ah waxay ku qaataan 90%, halka ay bixiyaan 10%, laakiin innagu si ka duwan iyaga ayaan u shaqeynay. Waxaan ku bixinnaa 90% dhaqaalaheenna horumarinta iyo gargaarka Soomaaliya,” ayuu mar kale Kani Turan.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay in hay’adaha ay dhab ka taha yinay Somalia wax ka qabtaan ay kasoo guuraan Nairobi ayna soo dagaan Muqdisho. Isagoo taas ku tilmaamay mid qayb ka ah go’aannada ay hay’adaha Turkiga ku gaareen inay ka shaqeeyaan gudaha dalka.

“Waxaa loo baahan yahay inaad ka dhabeyso waxa aad qabanayso. Haddii aad doonayso inaad caawiso shacabka Soomaaliyeed waa inaad timaaddo Muqdisho,” ayuu hadalkiisa raaciyay dajire Kani Turan.

Safaaradda Turkiga ayaa noqonaysa safaaraddii ugu horreysay oo ka socota dal weyn oo soo dagta Muqdisho muddo ka badan 20-sano oo ay colaado ka jireen Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya