4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 21, 2014
Madaxweyne Xasan oo sheegay in Maamul walba la Hoos-geynayo Ciidammo

Isniin, Abriil 21, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa markii ugu horreysay sheegay in guddoomiyeyaasha gobollada dalka la hoos-geyn doono ciidammo nabadsugid iyo booliis ah, si ammaanka loo adkeeyo.

Xasan Sheekh oo hadalkan ka sheegay shirka looga hadlayo amniga ee Muqdisho ka socda ayaa intaas ku daray in guddoomiyaha gobolka Banaadir la hoos-geeyay ciidammo isugu jira nabadsugid iyo booliis, taasoo ay dowladda uga gol lahayd in xal loo helo ammaanka Muqdisho.

“Ciidamada la hoos-geynayo maamullada waxay muhiim u noqonayaan in xubnaha maamulka ay awood u helaan inay sugaan ammaanka. Waana taas midda loo hoos-geeyay Muun-gaab ciidamada nabadsugidda iyo booliiska isugu jira,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in tani ay qayb ka tahay qorshayaasha lagu doonayo inay wada-shaqeyn dhexmarto ciidamada iyo shacabka gobollada dalka ku nool. Si ammaanka guud ee dalka loo xoojiyo.

Shirka ammaanka dalka ee shalay ka furmay Muqdisho ayaa la sheegay inuu yahay mid la doonayo inay kasoo baxaan talooyin ku saabsan sidii amniga dalka loo sugi lahaa, loogana guuleysan lahaa kuwa dhibaatooyinka ammaan-darro wada.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa u diray ciidamada dowladda ee dhigta isbaarooyinka, isagoo sheegay in askarigii la helo isagoo isbaaro u taallo ay u arki doonaan inuu la mid yahay Al-shabaab.

“Askari jidka taagan oo dadka dhacaya haddii la arko waxaan u aqoonsanaynaa inuu la mid yahay Al-shabaab, waxaana naga go’an inaan ciqaab adag marino,” ayuu madaxweynuhu mar kale yiri.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inuu dhammaaday xilligii dadka jeebabkooda la fagan jiray, isagoo sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay inay ka hor-tago falalka lagu dhibaateynayo shacabka.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo waddooyinka gobolka Shabeellada Hoose ay yaallaan isbaarooyin fara badan oo u yaalla ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaasoo aanay dowladdu waxba ka qaban.  

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya