4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2014
Ciidamada Somaliland oo Wariyeyaal kale ku xiray Magaalada Laascaanood

Axad, Abriil 20, 2014 (HOL) — Laba weriye oo kale ayay ciidamada Somaliland ku xireen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, taasoo ka dhigaysa weriyayaasha la xir-xiray maanta shan wariye.

Labadan weriye oo lagu kala magcaabo; Maxamuud Saleebaan Iidle oo ka howl-gala TV-ga Somset iyo Aadan Jaamac Oogle oo aan waqtigan meelna u shaqayn, kuwaasoo lagu eedeeyay inay faraha kula jireen fal liddi ku ah Somaliland.

Weriyayaasha horay loo xiray oo kala ahaa; C/qani Goox, Cali Yuusuf Axmed iyo C/rashiid Caydiid ayaa la sheegay in lagu haysto war laga duubay beel ka mid ah beelahad deegaanka Laascaanood.

Mid ka mid ah suxufiyiinta xiran ayaa wuxuu sheegay in lagu haysto inay keenaan wixii ay duubeen inay tir-tiraan halka ay iyaguna diideen, balse dhinaca maamulka waxay ku gaabsanayaan inay fal Somaliland liddi ku ah faraha kula jireen.

Lama caddeyn karo in qab-qabashada saxafiyiinta ku sugan Laascaanood ay intaas ku ekaan doonto, balse warar ayaa sheegay in kiisku uu sii faafi doono oo qaar kale uu saameyn doono; haddaan si dhaqso ah loogu guulaysan in baahinta warkaas laga tanaasulo.

Warkan keenay xariga intaas le'eg ayaa ah mid u dhexeeya beel dhexdeed oo ka soo horjeesatay madax-dhaqameedkoodii oo dhawaanta ka dagay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool