4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2014
DOODDA FAGAARAHA: Farmaajo, Culusoow iyo Suldaan Fiqi Maxay ka yiraahdeen dib u Heshiisiinta? (SAWIRRO)

Axad, Abriil 20, 2014 (HOL) — Dood-cilmiyeedkii 11-aad ee Fagaaraha ayaa xalay  ka dhacay Jaamacadda Ohio  ee magaaladda Columbus ee gobolka Ohio, waxaana ka qeyb galay Ra'isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wasiirkii hore ee beeraha iyo guddoomiyihii hore Bangida dhexe ee Soomaaliya  Maxamuud Maxamed Culusoow iyo Suldaan  Fiqi Siciid.

Sadiiq Warfaa oo ah aas-aasaha barnaamijka Fagaaraha ayaa furay dooda, wuxuuna sheegay inay ku saabsan tahay 4 qodob oo ku saleysnaa iftiiminta wadadii lagu heli lahaa dib u heshiisiin dhab ah, kuwaas oo kala ahaa, Sidee loo daweyn karaa dhaawcii kala gaaray dadka? Maxaa hortaagan dib u heshiisiin Qaran? Maamul qaboleedyadu ma caqabadbaa? Iyo Sidee Soomaali u qiran karaan wixii dhacay?

Ra’sul Wasaarihii hore ee Somaaliya Farmaajo ayaa yiri “Dib u heshiisiinta Soomaaliya waxay u baahan tahay run iyo qaxiiqo, markii dadku ay ka run sheegaan ayayna dhici kartaa, waxaana muhiim ah inay dadku is cafiyaan, waayo cafisku wuxuu ka fiicanyahay inaad qofka ka aarsato ama aad dhimato adigoo ciil u qaba”

“Aniga ayaa billaabay is cafinta, waxaana cafiyay dhammaan raggii aan siyaasadda isku qabanay ama wax na kala gaareen, iyaguna sidoo kale ha I cafiyaan, dadkuna dhammaantood ha is cafiyaan” ayuu shaaca ka qaaday Farmaajo.

“Wax kasta waxay ku xiran yihiin madaxda dalka, iyagaa laga rabaa inay shacabkooda u dhawaadaan si dib u heshiisiin iyo kalsooni loo helo, isla markaana dadka u  sheegaan inaan nahay hal qabiil oo Soomaali la yiraahdo, qabiilkaas oo aan kala maarmin, laakiin ma dhici karta in jufo kastaahi tiraahdo waxaan dooneynaa inaan noqonno dowlad madax bannaan, taas oo iyana ah qeyb weyn oo dhibaata ka mid ah, waayo ma jirto faa’iido aan aheyn Caddaalad darro iyo musuq-maasul oo laga dhaxlo jufo-jufeysiga iyo qabyaalad” ayuu si qiiro leh u yiri Farmaajo.

Maxamuud Maxamed Culusoow ayaa isna sheegay in dib u heshiinta ay ka horeyso laba arrimood kuwaas oo ah xabad joogin iyo xalin qilaaf, lana soo celiyo xiriirka dadka isla markaana, la abuuro kasooni.

“Dib u heshiisiintu maahan shirar lagu fadhi ku diriro iyo  baaqyo la soo saaro ee laakiin waa shaqo xoog leh oo u taal dowladda, taas oo ah soo celinta dad walaalo ah oo diriray, shaqadaas oo ku dhisan siyaasad, aqoon, karti iyo maamul, haddii taas la waayana waxaan halis u galeynaa in dowladaha deriska ah inay nagu dhul ballaarsadaan, waayo hadda dalka waxaa jooga 23 kun oo ciidan shisheeye ah, bad, birri iyo hawada iyagaa ilaaliya” ayuu yiri Culusow.

“Waxyaabaha caqabadda ku ah dib u heshiitiinta  waxaa ka mid dhowr aragti oo kala ah, Yaa dhibbane ah, yaase dambiile ah? Yaa ma tali kara dadka? Arrinta Somaliland, Federalka oo cadeyn, la’aanta dowlad karti leh, Beesha caalamka oo la wareegtay aayihii Soomaliya iyo Ishabeysiyada kooxaha” ayuu xusay Culusow.

Suldaan  Fiqi Siciid ayaa isna ku taliyay in Odayaasha dhaqanka ay hormuud u noqdaan dib u heshiinta.

“Meeshii ugu dambeysay ee qof bini’aadam ah gaaray ayaan joognaa, waxaan u baahanahay in heshiiska la billaabo, waayo hore uma jirin heshiis hore oo Somalia ku heshiisay, waxaana dowladda laga doonaya inay soo celiyo kalsoonidii kala fogaatay, ayna ku saleeyaan garsoon iyo caddaalad” ayuu yiri Suldaanku.

Jibriil Maxamed oo ka tirsan machadka The John Glenn ee Jaamacadda Ohio, isla markaana marti galiyay doodan ayaa isna xusay  in dib u heshiinta Soomaaliya ay muhiim tahay.

Jaaliyadda Columbus Ohio, ayaa soo dhaweeyay dooda Fagaaraha waxayna aheyd markii ugu horeysay ee magaaladaas lagu qabto, waxaana guddoomiye Sadiiq Warfaa uu u ballan qaaday inuu marar  kale Ohio ay marti galin doonto dood cilmiyeedkan hore  uga dhacday magaalooyinka Minneapolis, Rochester,  Mogadishu iyo Nairobi.

Ugu dambeyntii Sadiiq Warfaa ayaa bixiyay abaalmariino ay Fagaaraha ugu talo gashay shaqiyaad taageeray barnaamijka dooda Fagaaraha.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Columbus, Ohio