4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2014
Mudane Cali Khaliif oo beeniyay inuu siyaaro ku tagayo Magaalada Hargeysa

Axad, Abriil 20, 2014 (HOL) — Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah xubnaha golaha baarlamaanka Soomaaliay ayaa beeniyay warar sheegaya inuu Hargeysa ku tegi doono siyaaro, mar uu kula hadlayay dad kusoo dhaweeyey degmada Taleex ee gobolka Sool.

Xildhibaanka oo ay weheliyeen xubno maamulka Khaatumo ka tirsan, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa wuxuu u mahad-celiyay dadweynaha degmada Taleex oo uu sheegay inay dhibaatooyin badan la kulmeen.

Guddoomiyaha golaha sare ee Khaatumo, Cali Ciise Cabdi oo wafdiga ka mid ahaa ayaa isna wuxuu sheegay inay maanta dhamaatay dhibaatadii ka degmada Taleex kusoo laalaabtay.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka Soomaaliyeed, Canab Xasan Cilmi oo halkaas ka hadashay ayaa xustay in Khaatumo ay manta leedahay garbo, waxaanay intaas raacisay in saddex meeloodkii maanta laga gudbay.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Maxamed Jaamac Yuusuf  (Indha-sheel, Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare iyo Caaqil C/qaadir Abyan Koore ayaa halkaa hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyay.

Imaanshaha mas’uuliyiintan oo kusoo aadday waqti ay dhawaan degmada Taleex la wareegeen muddo kooban ciidamada Somaliland ayaa la filayaa in dib loo abuuro maamulkii Khaatumo ee burburku naafeeyay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool