4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2014
Odayaal iyo Wax-gaarad kula kulmay Col. Barre Hiiraale duleedka Kismaayo

Axad, Abriil 20, 2014 (HOL) — Odayaal iyo waxgarad laga diray Kismaayo ayaa la kulmay Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo diiday inuu aqbalo dadaallo uu ra’iisul wasaaraha Somalia ku doonayo inuu ku dhex-dhexaadiyo dhinacyadii sannadkii hore ku dagalaamay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kulan oo fashil ku dhammaaday ayaa ka dhacay deegaanka Goob-weyn oo ku taalla duleedka magaalada Kismaayo, waxaana kulanku uu socday labadii maalmood ee la soo dhaafay, inkastoo la isku af-garan waayay qodobbadii laga wada hadlay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in odayaasha iyo wax-garadku ay ka dalbadeen Col. Barre Hiiraale inuu ku wareejiyo hubkiisa ciidamada AMISOM ee Kismaayo ku sugan, balse Barre Hiiraale ayaa arrintaas diiday.

Col. Barre Hiiraale ayaa diiday inuu ka qaybgalo wadahadal nabadeed oo uu waday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, si la isugu soo dhaweeyo isaga iyo Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba.

Ilo wareedyo ku sugan Kismaayo oo la socday wadahadallada ayaa sheegay inuu ka biyo diiday Col. Barre inuu hubkiisa iyo ciidamadiisa wareejiyo, balse qodobadii kale ee laga wada-hadlay dhammaantood la isku af-gartay.

Odayaasha iyo wax-garadka la kulmay Col. Barre ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, iyadoo aan la sheegin in wadahadalladu ay sii socon doonaan iyo inay intan ku eg-yihiin.

Dhawaan ayay ahayd markii Col. Barre Hiiraale wuxuu ku seegay wareysi uu siiyay VOA-da inuusan wax heshiis la galayn Axmed Madoobe, isagoo intaas ku daray inuu sii wadayo dagaalka uu kula jiro.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo dhawaan booqday Kismaayo ayaa sheegay inuu ku dadaalayo sidii uu u dhex-dhexaadin labaa Col. Barre Hiiraale iyo Sheekh Axmed Madoobe, inkastoo dadaalkaas uu u muuqdo mid aan guuleysanayn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya