4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2014
Nabadsugidda oo soo bandhigtay Dhallinyaro la sheegay inay dilal geysteen


Axad, Abriil 20, 2014 (HOL) — Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ayaa maanta soo ban-dhigtay dhalliyaro ay sheegtay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo Muqdisho ka geystay dilal, iyadoo sidoo kale lasoo bandhigay haweeney la sheegay inay gacan ku siinaysay dhallinyarada dilalka ay geysanayaan.

Dallinyaradan lasoo bandhigay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay, Xasan Maxamad Cabdi oo loo yaqaan (Salmaan) iyo Shaafici Cabdi Xirsi oo ha’yaddu ay sheegtay inay qirteen inay dileen dhawaan gabar lagu magacaabi jiray, Nafiso Cismaan Salaad oo ka mid ahayd ardayda ka baxay jaamacadda Soomaaliya, taas oo gurigeeda lagala baxay xilli habeen ah.

“Innaga ayaa dilnay Nafiso, aniga (Salmaan) waxaa xabbad kaga dhuftay qoorta, saaxiibkey Shaaficina wuxuu xabad kale kaga dhuftay madaxa, sidaas ayayna ku geeriyootay,” ayay yiraahdeen labadan wiil oo sheegay inay ka mid ahaayeen Al-shabaab.

Nafiso oo la dilay 06/04/2014 ayaa ahayd gabar baratay caafimaadka, iyadoo kooxahan sheegay inay dileen ay kala baxeen gurigooda oo ku yaalla degmada Yaaqshiid xilli fiid ah ayna toogteen, balse lama yaqaan

Sidoo kale, labadan ruux ee wiilasha ah ayaa waxay sheegteen mas’uuliyadda dilka dad shacab ah iyo askar isugu jiray oo lagu dilay degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ka mid ahaa sida ay sheegeen dadka ay dileen Khaliil oo ka mid ahaa ciidamada nabadsugidda Qaranka.

“Waxaan codsanayaa in dowladda Soomaaliya ay i cafiso oo dambiga aan galay ay ii dhaafto, maadaama uu ahaa khalad aan galay,” ayuu yiri Salaan oo hadda ku jira gacanta hay’adda nabadsugidda Qaranka.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay soo bandhigto xubno ay sheegtay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab oo lagu soo qabqabtay howlgallo ay ka sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM degmooyin ka tirsan Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya