4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2014
Guddoomiye Maanta loo Magacaabay Degmada Balcad xilkana la Wareegay

Axad, Abriil 20, 2014 (HOL) — Gudoomiye cusub ayaa maanta loo magacaabay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo isla maanta xilkaas lagu wareejiyay, iyadoo uu goobta ka maqnaa guddomiyihii hore ee degmadaas oo ka baxsaday degmada Balcad, kaddib dagaallo uu la galay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Munaasabadda xil wareejinta ah ayaa waxaa ka qaybgalay mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo isugu jiray xildhibaanno, agaasimaha wasaarada arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Cabdi Jiinow Calasoow.

Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Balcad, iyadoo munaasabadda magacaabista iyo xil wareejinta ay ka dhacday saldhiga booliska degmadaas.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, Xalane oo ka hadlay goobta ayaa in maamullo loo dhisayo dhammaan gobollada iyo degmooyinka, isagoo xusay in maamullada ay noqon doonaan kuwo KMG ah, si loogu gudbo maamullo dadku ay soo doortaan.

Cabdi Jiinow oo oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo mas’uulka cusub ee loo magacaabay degmada Balcad, isla markaana uu isagu maamul ahaan ula shaqeyn doono si dhow.

Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay iyaguna xildhibaannadii goob-joogga ahaa, waxayna shacabka ka codsadeen inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay degmada Balacad.

Balcad oo 30-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeyay ciidammo taabacsan guddoomiyihii hore ee degmadaas oo hadda maqan iyo ciidammo ka tirsan booliiska iyo kuwa nabadsugidda dowladda, kuwaasoo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya