4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2014
MADAXWEYNE XASAN: “Dhaqanka fowdada ku dhisan wuu sii dhammaanayaa”


Axad, Abriil 20, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud oo maanta furay Shirweynaha Amniga dalka ayaa sheegay inuu ka sii dammaanayo Somalia dhaqanka fowdada ku dhisan ee uu dalku ku jiray 23-kii sano ee u dambeeyay.

Shirkan oo ay dowladdu qaban-qaabisay ayna kasoo qaybgaleen aqoonyahanno, khubaro dhanka amniga ah iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa ujeedadiisu yahay in arrimaha amniga dalka la gorfeeyo oo talo ka timid shacabka Soomaaliyeed ay ay horseeddo sii loo xoojin laheyn ammaanka iyo nabadgalyada dalka.

“Dhaqanka fowadada ku dhisan ee 23kii sano na dilay waa uu sii dhamaanayaa. Shirweynahan Qaran oo aan qabsanayno ayaa tusaale u ah horumarka dhanka amniga ah ee dalka ka jira, waxaana kasoo qaybgalay dad Soomaaliyeed oo u dhuun-daloosha amniga, isla markaana laga filayo inay noo diyaariyaan qorshe dhaxal-gal ah oo dowladdu dhaqan-gelin doonto si dalka uu u noqdo mid amni waara haysta. Ka qeyb-galayaashana waxay fursad u helayaan inay dhageystaan horumarka, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha dowladda, isla markaana ay ku biiriyaan tallooyinkooda oo dhammaan shacabka wax tar u noqon doona marka la fuliyo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri: “Doodaha aad yeelanaysaan waa inay noqdaan kuwo xal u hela caqabada dalka ka jira oo ay ka mid yihiin dhaqanka fowdada, dagaalka iyo danaha gaarka ah oo dhammaan nooga baahan inaan bedelno. Waxaan rabnaa inaan helo ciidan tayeysan oo mas’uuliyidiisa u guta si wadaninimo leh, si ay u badbaadiyaan shacabka. Waad la socotaan dowladdu ma heysato dhaqaale ku filan, hay’adaha amnigana waxay u baahan yihiin dhaqaale joogta ah. Waana inaan xal u helnaa dhammaan caqabadaha na haysta si aan u helno xal waara ee dhanka amniga iyo nabadeynta dalka ah.”

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ay dowladda Soomaaliya ku qabto Muqdisho, iyadoo ay kasoo qaybgaleen furitaankiisa quburo calaamka ka socda iyo weliba saraakiil ka tirsan ururrada calaamiga ah.

Madaxweynaha ayaa kusoo gaba-gabeeyay hadalkiisa: “Amnigu waa aasaaska nolosha oo la’aantiis nololi ma jirayso. Waxaan rabnaa in doorashooyin ay dalka ka qabsoomaan sannadka 2016-ka, waana inaan wax badan qabanaa si aan u gaarno hadafkeennaas. Halkan waxaan uga fadhinaa inuu xal u helo caqabadaha jira, dowladduna waxay diyaar u tahay inay dhaqan-geliso go’aannada shirkaan iyo innagoo sii wadeyna qorshaha xasilinta iyo maamul wanaaga. Sannadkan 2014-ka waxaa na horyaalla howlo fara badan oo nooga baahan inaan dar-dar-gelino oo aan rabno in sannadkan uu noqdo kii shaqada iyo wax-qabadka.“

Shirkan ayaa socon doona saddex maalmood iyadoo looga doodi doono qodobbo ka mid ah ammaanka dalka iyo caqabadaha hortaagan, waxaana xubnaha kasoo qaybgalay ay ka doodi doonaan maalmahaas qodobka ku saabsan amniga dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya