4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2014
Maxaabiis aan la Sheegin kuwa ay yihiin oo ka Baxsaday Jeelka Hargeysa

Axad, Abriil 20, 2014 (HOL) — Wararka naga soo gaadhaya jeelka weyn ee magaaladda Hargeysa ayaa la sheegayaa in goor dhowayd rasaas isku waydaarsadeen maxaabiis ku jirtay iyo ilaaladda jeelka taas oo keentay dhimasho hal askari iyo dhaawacba.

Sida ay noo sheegeen goobjoogayaal ka ag dhowaa jeelku ayaa sheegay maxaabiis ka soo baxsatay jeelka iyo ilaaladdii ciidanku rasaas isku rideen, haseyeeshee ilaa hadda aan la hubin khasaaraha ka dhashay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maxbuus ku jiray jeelku uu qori ka faromaroojiyey askarigii ilaaladda ahaa, kaas oo rasaas ku riday ilaaladi jeelka, ka dibna ay qaar kamid ah maxaabiista ay sidaas ku baxsadeen.

Haseyeeshee, maxaabiistaasi ayaa dhamaantood dib loo qabtay, waxaana la sheegay inay iskugu jireen budhcadbadeed iyo argagixiso, inkastoona xukuumaddu si rasmiya uga hadal.

Wasaaradda cadaaladda iyo ciidanka asluubta ayaa laga warsugayaa inay ka hadlaan maxaabiista baxsatay cidda ay yihiin iyo siday wax u dhaceen, haseyeeshee illaa hadda kama hadal xukuumaddu.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland