4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2014
Shirweyne looga hadlayo Amniga Somalia oo Maanta ka furmay Muqdisho

Axad, Abriil 20, 2014 (HOL) — Shirweyne looga hadlayo ammaanka dalka oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda amniga Qaranka ayaa maanta Muqdisho ka furmay, shirkan ayaa waxaa furay madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa looga hadli doonaa amniga guud ee Soomaaliya, iyadoo kulanka ay goobjoog ka yihiin saraakiisha hay’adaha ammaanka dalka, mas’uuliyiin ka socda dowladda, xubno ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD iyo dajirayaasha dalalka caalamka u jooga Soomaaliya.

Shirka ayaa ka furmay hoteelka Jaziira ee Muqdisho, iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay, waxaana kulankan sidoo kale ka qaybgalaya maamullada dalka ka jira qaarkood, iyadoo quburo Soomaaliyeed oo ka kala yimid dibadda iyo gudaha dalka.

Wasiirka amniga Qaranka Somalia, C/kariin Xuseen Guuleed oo furitaankii shirka ka hadlay ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid la doonayo in laga helo qorshe lagu hagaajinayo amniga guud ee dalka.

“Kulankan hadafka laga leeyahay waa in la helo hannaan amniga Somalia loogu  saldhigi lahaa, waayo Soomaaliya muddada dheer ayay ammaan-darro kusoo jirtay,” ayuu yiri wasiirka amniga Qaranka Soomaaliya.

Qodobbada looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah: dhibaatooyinka amniga ee dalka ka jira, argagixisada iyo howl-gallada ka socda gobolada dalka qaarkood, kuwaasoo lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro dalka oo dhan.

Al-Shabaab ayaa sannadkii hore ka fulisay Muqdisho weerarro ay ku jireen kuwo aan horay loogu arag dalka, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen, weerarkii bishii Abriil lagu qaaday xarunta makamadaha ee Muqdisho iyo kii lagu qaaday UNDP.

Bishii Feberaayo ee sannadkan ayay Al-shabaab weerar dhimasho iyo dhaawac geystay waxay ku qaadday xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo kii ugu horreeyay oo ay Al-shabaab ku qaaddo madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkan ayaa noqonaya kii u horreeyay noociisa oo Muqdisho lagu qabtay, iyadoo sannadkii hore lagu qabtay Muqdisho shirar noocan oo kale ah oo looga hadlayay garsoorka dalka iyo arrimo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya