4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2014
Wariyeyaal ka howlgalayay Magaalada Laascaanood oo xabsiga loo taxaabay

Axad, Abriil 20, 2014 (HOL) — Suxufiyiin ka hawlgala magaalada Laascaanood ayaa xabsiga loo taxaabay maanta, kaddib markii lagu qabtay iyagoo ku sugan goob ay beel shir kulahayd oo lagu casuumay.

Wariyeyaashan ayaa sheegay inuu bixiyay amarka xarigooda taliye xigeenka qaybta booliiska, Axmed Cabdi Geele oo sheegay inay hawlo xasaasi ah faraha kula jireen.

Wariyayaashan la xirxiray ayaa kala ah: C/qani Goox oo TV-ga Somset u sheqeeya, Cali Yuusuf Axmed iyo C/rashiid Caydiid oo suxufiyiin madax-banaan ah, ayaa ku xiran saldhiga waqooyi ee magaalada Laascaanood.

Xadhigan ayaa hadal-hayntiisa si weyn looga hadal hayaa Laascaanood, iyadoo aan wax xarig ah loo geysan odayaashii shir-beeleedka watay, haddana aan digniin la siin inaanay waxba ka duubin.

Xariga saxafiyiinta magaalada Laascaanood oo hoos u dhacay sannadkan ayay tani ka dhigaysaa weriyaashii ugu horreeyey ee la xiro sannadkan marka laga reebo Faysal Jaamac oo Bar-kulan uga hawlgala gobolka Sool oo billowgii bishii Jannaayo sannadkan la xiray.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool