4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 20, 2014
Xaaladda Masar oo kasii daraysa iyo Saraakiil lagu dilay Weerarro gaadmo ah

Axad, Abriil 20, 2014 (HOL) — Kacdoonada ka socda dalka Masar ayaa sii xogaysanayay maalimihii ugu danbeeyay,iyadoo ay kor u kaceen tirada saraakiisha  dowladda ka tirsan  ee lagu dilay weerarro kala duwan oo lagu qaaday xarumo dowladdu ay ku leedahay magaalada Qaahira.

Wasaaradda arimaha gudaha ayaa xaqiijisay in la beegsaday xilli hore oo maanta ah askari ka tirsan ciidamada dowladda, kaasoo u geeriyooday rasaas ay ku fureen kooxo dablay ah ,xilli uu ilaalo ka hayay goob baabuurta lagu baaro,waana dilkii labaad oo muddo gaaban gudaheed dhaca.

"Labada sarkaal ee la dilay waxa ay ilaalo ka ahaayeen goobo kala duwan oo ku kala yaalla Qaahira iyo Suez," ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha, waxaana lagu canbaareeyay weeraradaas.

Kooxda Ajnad Masar oo ka soo horjeedda xukunka laga tuuray madaxweyne Mursi ayaa sheegatay masuuliyadda dhimashada 1,400 oo ruux oo ka tirsan laamaha amngia dowladda sida lagu xusay warbixin ka soo baxday Amnesty International.

Sido kale qaar kamid ah weeraradii dhacay labadii bilood ee ugu danbeeyay waxaa masuuliyaddooda sheegtay kooxda fadhigoodu yahay Siinaay ee lagu magacaabo Beit al-Maqdis,isla markaana xubin fir-fircoon ka ah ururka Al-Qaacida .

Dadka la laayay ayaa badankooda u shaqaynayay dowladda hadda ka jirta Masar, waxaana arimahan loo sababaynayaa xarigga loo gaystay 15,000 oo ruux oo ka tirsan ururka Ikh-waanul-Muslimiinka Masar ,kuwaasi oo hadda ku xiran xabsiyo kala duwan oo ku yaalla magaalada Qaahira oo ah halka ay kacdoonaddu ka bilowdeen.

Ugu danbayntii wasaaradda arimaha gudaha ayaa ku eedaynaysa falalkan kooxda Ikhwaanka oo aad uga soo horjeedda  afganbigii lagu sameeyay Mursi oo ahaa madaxweyne doorasho xor ah ku soo baxay sida ay sheegtay Amnesty International.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]